Baydhabo-{WMN}-Warqadan kasoo baxdey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa loogu yeerey ilaa lix xildhibaan oo ka tirsan barlamaanka Koonfur Galbeed,kuwaas oo warqada xeer ilaaliyaha guud kasoo baxdey lagu sheegey in cabsho kasoo gudbiyey Gudoonka Barlamaanka.
Xildhibaanada Warqada magacyadooda lagu xusey ee Xeer ilaalinta u yeertay ayaa kala ah:
1: Xildhibaan Maxamed Xuseen Geedi
2: Xildhibaan Yuunis Cabdiraxmaan Maxamed
3: Xildhibaan Cabdalla Cali Cabdi
4: Xildhibaan Cqaadir Xasan Cabdi Jookar
5: Xildhibaan Ahlaam Cumar Maxamed
6: Xildhibaan Idiriis Axmed Yacquub
Sidoo kale Warqadan xildhibaanada Lixda ah loogu yeerey Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegey in maalinta Talaadada looga baayahay iney xafiiska yimadaan,iyadoona hadii ay ka dhega adeegaan lagu sheegey qoraalka in talaabo sharciga Waafaqsan laga qaadayo.
Xubnahan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ka tirsan ee Xeer ilaalinta u yeertay ayaa ka mid ahaa xildhibaano dhowaan kasoo hor jeestay sideed xildhibaan oo gudoonka uu dhaariyey iyadoo xildhibaanada Barlamaanka Fasax ku maqan yihin,sidoo kale xildhibaanada Lixda ah ayaa ku eedayay Kusimaha Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Nuur Macalin inuu ku tekri falayo awooda barlamaanka.
Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee si deg dega ah Xeer ilaaliyaha Guud ee Koonfur Galbeed u yaarey ayaan la ogeyn in ay u hogaansami doonaan amarka iyo in kale,Warqadan oo nuqul ka mid ah soo gaartay Xafiiska Idaacada Warsan ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku saxiixan Xeer ilaaliyaha Guud ee Koonfur galbeed Mudane Aadan Mukhtaar Suuri
Warkung Waliba nig haaye ;-Bilaal Hilal Sheekh Shuceyb