Dowladda Somalia oo baaq la xiriira Abaaraha u dirtay dowladda Jarmalka written by Warsan Radio 14/07/2022 Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmad abaaraha iyo arrimaha bini’aadannimada ayaa la kulmay xoghayaha koowaad ahna madaxa howlaha bini’aadannimada ee Danjirada Jarmalka.Ergeyg Cabdiraxman ayaa Mr Martin Stein ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha gargaar ee Dowladda Jarmalku ka waddo Soomaaliya.Ergeyga oo intaas kadib uga mahadceliyay dowladda Jarmalka sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Jarmalka ee deeqbixiyaha labaad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022.Ergeyga ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay Safaaradda Jarmalka siyaabaha ay gacan uga geysan karaan u qareemidda abaaraha Soomaaliya gaar ahaan soo jeedinta indhaha reer Yurub iyo gacan ka geysasashada xiriirka xafiiska Ergeyga iyo Qurba joogta Soomaaliyeed ee Jarmalka iyo Yurub.Xoghaye Martin oo bogaadiyay dedaallada muuqda ee Dowladda Soomaaliya ku bixineyso arrimaha bini,aadannimada gaar ahaanna fududeynta howlaha gargaarka ayaa u ballan qaadey Ergeyga in Dowladda Jarmalku sii wadi doonto iska xilsaarista gargaarista Soomaaliya. Dowladda Somalia oo baaq la xiriira Abaaraha u dirtay dowladda Jarmalka was last modified: July 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Nin dil ugu hanjabay Xildhibaan Ilhan Cumar oo xukun lagu riday You may also like Dowladda Imaaraadka Carabta oo aqbashay raali gelintii RW Rooble 02/02/2022 Jaamacadda Carabta oo ballanqaaday taageero maaliyadeed oo ay u fidiso doorashooyinka Soomaaliya 13/09/2021 Duqeyn xagga cirka ah oo xalay lagu qaaday degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe 04/12/2023 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/01/2020 Khasaaro ka dhashay roob dabeylo wata oo ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland. 23/11/2020 Cumar Filish “Muqdisho waa meesha kaliya ee shanta Soomaali aysan ku dareemin in laga leeyahay” + Sawirro 28/06/2020 Dhageyso:-Dood looga hadlayay Haweenka iyo Caddaalada 04/08/2017 Ra’iisul Wasaare Rooble oo weli kulamo looga hadlayo Doorashooyinka ka wada Dhuusamareeb. 17/11/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 31/01/2021 Webiga Shabeelle oo Fatahaad Ka Sameeyey Gobolka Shabeellaha Hoose 17/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.