Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan dalka Kenya written by Warsan Radio 14/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa Maanta oo khamiis ah ku sii jeeda magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaas oo booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku joogi doono.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaas, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tegi doono Magaalada Nairobi, isla markaana heshiis ku saabsan dib u fasixida khaadka (jaadka) uu la saxiixan doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, warkaas oo Villa Somalia ay ka aamustay.Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqan doono dalalka Itoobiya iyo Kenya, isla markaana Madaxda dalalkaas uu kala hadlii doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.Safarkan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo Magaalada Nairobi ayaa noqonaya kii afaraad oo dibadda ah tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay 15 May, Madaxweynaha ayaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.Tegitaankiisa Madaxweynaha Soomaaliya Magaalada Nairobi ayaa bilow u noqoneysa dib u soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay xiriirkii labada dal oo gaaray heer Safaaradaha lakala rarto, intii uu xilka hayay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan dalka Kenya was last modified: July 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Al-Shabaab oo weeraray degaanka Janaale iyo dagaal ka dhacay next post Maamulka degmada diinsoor oo ka warbixiyey xaalada degmadaasi. You may also like Ra’iisul Wasaaraha UK oo cambaareeyay falal cunsurimo ah oo lagu kala kacay ciyaartooyda madowga ah 12/07/2021 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 08/10/2019 Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan 09/08/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA 14/03/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/10/2021 RW Xamse oo markii ugu horreeysay ka hadlay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab 27/07/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/02/2021 Raysal wasaare Rooble oo furay shirka guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga doorashada 15/02/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 24/06/2020 Maamulka Degmada Warsheekh Oo Amar Cusub Soo Saaray 27/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.