Al-Shabaab oo weeraray degaanka Janaale iyo dagaal ka dhacay written by Warsan Radio 14/07/2022 Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya kuleeyihiin degaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leyska adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.Saraakiil katirsan Ciidanka Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaal kooban oo ka dhacay degaanka Janaale.Sidoo kale saraakiisha ayaa degaanka Janaale kusoo bandhigay meydka hal Xubin oo katirsan Al-Shabaab, kaas oo dagaalka lagu dilay.Taliyaha ururka 83-aad ee October Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howdka degaanka Janaale ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dagaalamayaal kayirsan Al-Shabaab ee degaanka soo weeraray.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan. Al-Shabaab oo weeraray degaanka Janaale iyo dagaal ka dhacay was last modified: July 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Radio Warsan next post Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan dalka Kenya You may also like DHAGEEYSO:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo toogatay Afar qof 24/04/2017 Faransiiska Oo Qaadaya Talaabo Ka Dhan Ah Dadka Muslimiinta Ah 03/12/2020 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 27/06/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 03/09/2022 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 24/09/2022 Akhriso+Sawiro:-Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. 11/11/2019 Soomaaliya & Rwanda oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah 28/01/2022 Wasiirka Maaliyadda oo hambalyo u direy madaxa hey’adda caalamiga ah ee maaliyadda IFC 20/02/2021 Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Oo Gaartay Taiwan 03/08/2022 Joe Biden oo saxiixay wareegtooyin Madaxweyne 21/01/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.