Wararka naga soo gaaraya Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Iyo Sirdoonka Qaranka Qeybta Galmudug Cabdiraxmaan Faarax Geelle oo loo yaqaaney Beyr.
Dilka Sarkaalka ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in uu ka dambeeyay Askari katirsan Ciidanka Millateriga oo ay is khilaafeen, kaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Ciidamada Ammaanka degmada Cabudwaaq ayaa haatan wada howlgallo ay ku baadi goobayaan askarigii ka dambeeyay dilka Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Qeybta Galmudug Cabdiraxmaan Faarax Geelle, kaas oo la sheegay in uu ku sugan yahay qeybo kamid ah Magaalada.
Maamulka iyo laamaha Amniga degmada Cabudwaaq ayaan weli ka hadlin dilkaas, hayeeshee waxaa la sheegay inay saacadaha soo socda ka hadli doonaan.
Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horay uga dhacay dilal la xiriiray aanooyin qabiil, balse ay istaageen markii Maamulka Galmudug uu halkaasi geeyay Ciidamo kala duwan.