Dowladda Kuwait oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Magaalada jowhar written by Warsan Radio 18/07/2022 Wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait ayaa cambaareysay qaraxii gaari ee shalay lagu weeraray hotel ku yaalla magaalada Jowhar oo ay inta badan tagaan mas’uuliyiinta Hirshabeelle.War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaraddu waxa ay ku nuuxnuuxsatay mowqifka Kuwait ee kadhanka ah rabshadaha iyo waxa loogu yeero argagixisada.Waxay sidoo kale ku celisay baaqeeda beesha caalamka inay xoojiyaan dadaallada wax looga qabanayo dhacdooyinka qatarta ah iyo weerarada ka imaanaya Ururka Al-Shabaab.Kuwait oo hadalkeeda sii wadata ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay wehliyaan qoysaskii dadkii ku dhintay qaraxaasi, waxayna u rajeysay kuwii ku dhaawacmay inay si degdeg ah u bogsadaan.Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay, 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa kadib markii gaariga qarxay lagu dhuftay afaafka hore ee Hotelka caanka ah ee lagu magacaabo Nuur-doob, oo ku dheggan madaxtooyada.Wasiirka Haweenka Hirshabeelle Caasho Khaliif Xaaji, Wasiirka Caafimaadka Cabdi Macallin iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxaana mas’uliyadiisa sheegtay Al-Shabaab. Dowladda Kuwait oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Magaalada jowhar was last modified: July 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Qarax lala beegsaday Ciidamada howlgalka ATMIS & khasaaro ka dhashay next post Dhageyso:-Warka Duhur ee RAdio Warsan You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 18/06/2020 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada warsan 15/07/2022 Muxuu yahay heshiiska ay kala saiixdeen Dowladda Somalia iyo Turkiga? 09/02/2024 Dhageyso Xildhibaan Idiriis Cabdi Taqtar Sanad guwradeedi RRA Aan ka wareeysanay. 07/06/2017 Dowlada Shiinaha oo Digniin adag kasoo saartay talaabo dowlada Mareykanka damacsan tahay 26/05/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio warsan 08/05/2022 Guddoonka Golaha Shacabka oo isugu yeeray Xildhibaannada ka qeyb galka fadhi aan caadi ahayn 28/04/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 15/04/2019 Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay lacagtii ay u fasaxday dowladda Soomaaliya 09/04/2022 Dhageyso:-Ganacsatada Baydhabo oo ka hadashay dib u dhaca doorashada Koonfur Galbeed iyo ciidamada Dowladda ay keentay Baydhabo. 03/12/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.