Qarax lala beegsaday Ciidamada howlgalka ATMIS & khasaaro ka dhashay written by Warsan Radio 18/07/2022 Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso oo meelaha fogfog laga hago ayaa Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS wazaa Maanta lagula beegsaday Isgoyska Cali Kamiin degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in qaraxa uu haleelay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo Ciidamada iyo dad Shacab ah kasoo gaaray qaraxa.Sidoo kale qaraxa kadib ayaa Ciidamada ATMIS waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan weli la xaqiijin khasaaraha kasoo gaaray dadka Shacabka ah, waxaana muddo saacado ah ay Ciidamada ATMIS hakad geliyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Cali Kamiin.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mudfo 30 daqiiqo ah kadib Ciidamada ATMIS ay sii wateen socdaalkooda, isla markaana xaaladda Isgoyska Cali Kamiin iyo Goobaha ku dhow dhow ay tahay mid wanaagsan.Dhowr jeer ayaa qaraxyo Miino oo Magaalada Muqdisho lagula eegtay Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxaa rasaas ay fureen Ciidamada ay khasaaro kasoo gaartay dad Shacab ah oo marayay Goobta uu qaraxa ka dhacay Qarax lala beegsaday Ciidamada howlgalka ATMIS & khasaaro ka dhashay was last modified: July 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab next post Dowladda Kuwait oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Magaalada jowhar You may also like Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee golaha shacabka? 18/07/2020 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 09/12/2017 Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay go’aanka G/Shacabka ee Kalsooni kala-noqoshada Ra’iisul Wasaaraha 25/07/2020 Dab Khasaaro geystay ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Walanweyn 08/10/2020 Akhriso+Sawiro:- Inkabadan 30 Wariye ayaa tababar hal maalin soconaya ugu soo dhammaaday magaalada Baydhabo. 29/11/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 27/03/2022 Guddiga baaraya dhacdadii Xirsi Lugey oo la kulmay Cali Daahir Ciid 16/01/2021 DHAGEYSO:-PROF:MAXAMED CUMAR DHALXA OO KULA TALIYAY GUDOOMIYHA B.F.S IN UU SI SHARAF LEH UGA TAGO GUDOONKA 08/04/2018 Kenya oo Saddex Bilood gudaheed in ka badan 8 Milyan Dollar ka heshay jaadka ay u soo dhoofiso Somalia 20/10/2022 Faah faahin kasoo baxeysa Ganacsato lagu dilay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe 18/02/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.