Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in hey’adaha dowladda Soomaaliya ay galaan heshiisyo waa wayn, inta laga ansixinayo xukuumad rasmi ah.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afhooye ayaa lagu sheegay in Xafiiska hanti dhowrka uu ka hortegay heshiisyo ku kacayay malaayiin dollar oo saameyn dhaqaale oo taban ku yeelanayay dalka.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka
wuxuu ka warhelay in qaar ka mid ah
Hay’adaha DFS ay billaabeen qorshaha
hannaan lagu meelmarinayo dhaqangalinta
heshiisyo waa wayn (concession contracts) oo
ku kacaya malaayiin doollar kuwaas dalka ku
yeelanaya saamayn dhaqaale oo taban.
Xafiiska ayaa ka hortagay isla markaasna
joojiyay heshiisyadaas isaga oo ku wargaliyay
dhammaan Hay’adaha Dowladda in aysan gali
karin heshiisyo inta laga helayo Xukuumad
rasmi ah oo xilka la wareegta. Ugu danbayn,
Xafiiska ayaa arrinkan horay uga soo saaray
warqad uu ku joojiyay gelitaanka heshiisyada
waa wayn inta lagu guda jiro waqtiga
xilgaarsiinta.
Amarkaan kasoo baxay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ayaa daba socday kadib markii ay soo baxday in Xubnaha Golaha Wasiirada ee xilgaarsiinta ah inay heshiisyo ku kacayay malaayiin dollar ay la galeen dhirkado iyo dowladdo kale, iyaga oo ka faa’iideysanayay waqtiga kala guurka ah.