Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bari written by Warsan Radio 19/07/2022 Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay inta u dhexaysa Tuulooyinka laas Barwaaqo iyo Kunaso oo hoostaga Degmada Carmo Ee Gobolka Bari.Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Hoomeey ah iyo Gaari kale oo nooca raaxada ah, waxaana shilkaasi Isbitaalka Magaalada Carmo ugu dhintay hal ruux oo dhaawac culus uu kasoo gaaray shilka halka 6 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Goobta shilka uu ka dhacay ay tageen Ciidamada Booliska degmada Carmo iyo dad Shacab ah, kuwaas oo u gurmaday dadka Shilka ku dhaawacmay, iyaga oo geeyay Isbitaalka Magaalada Carmo ee Gobolka Bari.labada Gaari ee shilka galay oo mid ka yimid dhinaca Magaaalada Boosaaso midna uu kusii jeeday Magaalada Boosaaso ayaa waxaa gaaray burbur xoogan maadaama si awood ah ay isugu dhaceen.labadii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Puntland kubatay shilalka Gaari, iyada oo ay ku dhinteen dad u badan Dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood u Shaqeeynayay dowlad Goboleedka Puntland. Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bari was last modified: July 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu la beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab next post laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Askari ku eedeysan dilka taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug You may also like Wafdi ka socda Xukuumadda oo Maanta gaaray Degmada Ceelwaaq + ujeedka 17/12/2022 Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in labo milyan oo qof oo ku nool gudaha dalka ay wajahayaan cunno yari iyo biyo la’aan 14/03/2021 Akhriso:-Wafdi Heer sare ah oo ka socda Eritrea oo si diirran loogu soo dhoweeyay Addis Ababa 26/06/2018 Diiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa 14/03/2022 Turkiga oo cambaareeyey talaabada ay ciidanku xukunka uga tuureen madaxweynihii dalka Guinea 07/09/2021 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamkaa 14/05/2022 Madaxweynaha K/Galbeed Oo Si Deg-Deg Ah Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho 18/11/2021 Dhageyso:-Xildhibaan Dhalxa “Bulshada Koon fur galbed indhibaato loo abuuro marnaba kama raali noqoneyno” 05/12/2018 Howlgalka ATMIS oo bandow ku soo rogaya Xerada Xalane ee Muqdisho 25/04/2022 Dhageyso:-Warka duhurnimo ee Idaacada Warsan 17/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.