Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu la beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab written by Warsan Radio 19/07/2022 Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay qeybo ka mid ah degaanka labikuus oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad Goboleedka Jubbaland.War kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan (Africom) ayaa lagu sheegay in, iyaga oo la kaashanay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ay weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada huwanta ahDegaan fog oo u dhow degaanka labikuus taariikhdu markii ay aheyd 17 july ee sanadkan 2022.“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada kajooga Soomaaliya. Qiimeynta hordhaca ah ee taliska helay ayaa sheegaya in labo ka mid ah Al-Shabaab lagu dilay howlgal iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Mareykanka.Sidoo kale Mareykanka ayaansheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ay qaadeen tillaabo wanaagsan oo ah ka hortagga waxyeelada rayidka, isla markaana dadaalkani uu ka duwan yahay weerarrada aan loo meel dayin ee Al-Shabaab si joogto ah ugu qaadaan dadka rayidka ah.“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab. si ay uga hortagaan dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka kasoo baxay Mareykanka.Mareykanka ayaa horay Soomaaliya uga fulin jiray weeraro joogto ah oo ka dhan ah Urutka Al-Shabaab, hayeeshee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump intii uu xilka haayay uu joojiyay, waxaase amray in dib loo bilaabo Madaxweynaha la wareegay talada dalka Mareykanka. Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu la beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab was last modified: July 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bari You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/05/2021 DSF oo faah faahin ka bixisay Qaaraanka lagu leeyahay ee QM 16/01/2022 Dhageyso: Barnaamijka Dhalanyarada Idaacada Warsan 26/06/2023 MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SAAGOOTIN AH KULA QAATAY VILLA SOOMAALIYA SAFIIRKA DALKA ITOOBIYA 03/01/2023 Daawo Muqaalkaan Madax Ka socota World Vission oo kulan Laqaatey Kusimaha Madaxweynaha Koonfur galbeed soomaaliya ee magaalada baydhabo janaay 02/03/2017 Dhageyso:-kulan ay yeeshen maamulka gobolka hiiraan iyo kan degmada beledweyne 21/01/2017 Maxaa looga hadlay Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Jubbaland? 23/05/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/04/2019 Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay baaqa Ra’iisul Wasaare Kheyre ee qabashada doorashada dalka 09/07/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 27/12/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.