Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish written by Warsan Radio 26/07/2022 Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada kala duwan ee difaaca Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka BariCiidamada oo isugu jira kuwa Daraawiishta iyo kuwa PSF & PMPF ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay degaannada buuraleyda ee Golis iyo Cal-miskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo ay aad ugu xoogan yihiin Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay howlgalka ku bur buriyeen saldhigyo ciidan oo ay isaga tageen Al-Shabaab , isla markaana keyd badan u yaallay, wallow aysan sheegin dad ay kusoo qabteen howlgalkaas.Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannadaas, iyada oo Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland ay dhowr jeer howlgallo ka fuliyeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.Maamulka Puntland ayaa dagaal xoogan kula jira Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana dhowr jeer Xubno katirsan Al-Shabaab oo kasoo baxay dhulka Buuraleyda ah ay weeraro ka fuliyeen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish was last modified: July 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Wararkii ugu Dambeeyay Shirar gaar gaar ah ee ka socda Dhuusamareeb oo u socda madaxda DFS iyo Madaxda dowlad goboleedyada 20/07/2020 Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha Dooxa 16/12/2019 Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Gaaray Degmada Hudur 14/10/2017 Madaxweynaha Puntland oo Guddi u saaray wax ka qabashada saameynta Abaaraha 23/06/2022 Dowladda oo milkiilayaasha hotelada & maqaayadaha ugu baaqday inay ka feejignaadaan weerarada Al-Shabaab 11/11/2022 KULANKA WADATASHIGA QORSHAHA HORMARINTA QARANKA QEYBTIISA 9AAD OO BAYDHABO KA FURMAY. 17/02/2019 Midowga Musharaxiinta oo muddeeyay goorta ay bannaanbaxa qabanayaan 03/03/2021 11 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob cunto lagu qaybinayey 01/04/2023 Jabuuti oo koox xaqiiqo raadin ah u dirtay xuduudda Somaliya iyo Kenya 26/12/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 02/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.