Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish written by Warsan Radio 26/07/2022 Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada kala duwan ee difaaca Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka BariCiidamada oo isugu jira kuwa Daraawiishta iyo kuwa PSF & PMPF ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay degaannada buuraleyda ee Golis iyo Cal-miskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo ay aad ugu xoogan yihiin Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay howlgalka ku bur buriyeen saldhigyo ciidan oo ay isaga tageen Al-Shabaab , isla markaana keyd badan u yaallay, wallow aysan sheegin dad ay kusoo qabteen howlgalkaas.Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannadaas, iyada oo Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland ay dhowr jeer howlgallo ka fuliyeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.Maamulka Puntland ayaa dagaal xoogan kula jira Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana dhowr jeer Xubno katirsan Al-Shabaab oo kasoo baxay dhulka Buuraleyda ah ay weeraro ka fuliyeen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish was last modified: July 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta next post Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish You may also like Ku dhawaad 40,000 oo arday oo imtixaan u fadhiistay degaanada Somaliland 11/06/2022 Akhriso:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Safiirka Uk u fadhiya Soomaaliya 27/08/2018 Faahfaahin: Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho & Khasaaraha ka dhashay 12/08/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 25/10/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Saameynta ay abaartu ku yeelatay guurka Degaanada KGS 02/07/2017 Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 25/03/2023 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 21/01/2017 Dhageyso:-Maamulka KGS Ayaa Xariirka Ujarey Dowlada Qadar 19/09/2017 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 12AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 15/11/2017 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. 20/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.