Diyaarado duqeyn ka geystay degaano katirsan Gobolka Hiiraan written by Warsan Radio 07/08/2022 Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Itoobiya ay duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.Diyaaradaha ayaa duqeymaha sigaar ah uga geystay buurta surtaag oo ku aadan deegaanka bacda iyo degaannada Qabno iyo Coowmaad oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Mataaan & Maxaas, halkaas ay fariisin ku leeyihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, sida dadka degaanka ay sheegeen.Goobjoogayaal ayaa ku waramay inay maqlayeen dhawaqa weerarka duqeynta ah , balse ilaa iyo hadda aysan cadeyn karin khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay duqeyntaas.Degaanada duqeynta Maanta laga fuliyay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa u dhow degaano ay dhawaan howlgallo ka fuliyeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.Dowladda Itoobiya ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka bilaawday gudaha Soomaaliya tan iyo markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaano katirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida oo ay maamusho Itoobiya. Diyaarado duqeyn ka geystay degaano katirsan Gobolka Hiiraan was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni next post Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar You may also like Kuuriyada Koonfureed oo xayiraad socdaal ku soo rogtey dalal ay Soomaaliya ka mid tahay 08/01/2022 Dowladda Maraykanka oo sheegay in duqeyn ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab 04/01/2021 Odayaasha Dhaqanka Garxajis oo dagaalka Laas-Caanood ku eedeeyay Xukuumadda Muuse Biixi 19/02/2023 Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay in dalku galay doorasho xor & xalaal ah 15/12/2021 Ra’iisul Wasaare Xamsa oo QM kala hadlay arrimaha gurmadka Abaaraha 26/08/2022 Akhriso:-Waxaa ladilay Taliyihii Ciidamada Nabadsugida Gobolka Mudug qeybta Puntland. 18/11/2019 Çumar Filish oo sheegay in Ciidamo gaar ah loo sameeyay la dagaalanka Maandooriyaha 06/03/2022 Weriyihii Larry King oo u geeriyooday cudurka Covid 19 24/01/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan. 17/01/2023 RW Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada oo tegaya Garoowe 15/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.