
Baydhabo-{WMN}-Guddiga Gurmadka Abaaraha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa kulan la qaatey madax ka socotay Hayโadda IOM.
Wafdiga, ayaa waxaa hoggaaminayey Amy Pope oo ah Ku-xigeenka guud ee Hayโadda IOM.
Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa ugu Mahadceliyey Hayโadda IOM shaqada kala duwan oo ay ka wadaan deegaanada hoos taga Dowlad Gobaleedka Koonfur-galbeed Galbeed Soomaaliya.
U jeedada wafdiga IOM,ayaa ah iney qiimeeyaan xaaladda, oggadaane baahiyaha, Iyo sida u kala muhiimsan yihiin.
Waxayna ballan qaadeen iney kordhinayaan dadaaladooda gurmadka Abaaraha ee socda.