Baydhabo-{WMN}- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka golaha wadatashiga qaran ayaa kulamo la qaatay masuuliyiin kala duwan
Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Mohammed Ahmed Othman Al-Hamadi, waxa uuna kala hadlay arrimo dhoor ah.
Oo ku saabsan arrimaha gurmadka abaaraha iyo sidii dowladda Imaaraadka gacan uga geesan laheyd u gargaarida dadka abaarta saameesay.
Danjire Mohammed Ahmed Othman Al-Hamadi, ayaa ballanqaaday in dowladda Imaaraadka intii karaankeeda ah gacan ka geesaneyso wax u qabashada dadka abaarta saameesay gaar ahaan kuwa Jubbaland ku sugan.
Madaxweynaha Jubbaland oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo kala duwan la qaato wakiillo katirsan beesha caalamka iyo madaxda dowladda federaalka qaarkood.