Baydhabo-{WMN}- Afartan iyo kow Sarkaal oo ka tirsan ciidanka ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa tababar qaatayy muddo todobaad ah loogu soo xiray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Saraakiishan oo leh xirfado kala duwan oo dhanka Waxbarashada iyo Ciidamada ah ayaa lagu xareyn doonaa xarunta guud ee ciidamada ATMIS, iyaga oo door ka qaadan doona taageeridda hannaanka nabadda ee Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ku Xigeenka Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Hawlgallada, kaas oo wakiil ka ahaa Taliyaha Ciidanka ATMIS, oo ka hadlay munaasabadda loogu soo xirayay saraakiishaan tababarka ayaa yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay in la gaaray ujeedooyinkii laga laha tababarkan waxa aan si rasmi ah idinkuugu soo dhoweynayaa howlgaladeena oo ah mid ay ku jirto Xirfad, Anshax, qiyamka ciidanka Heerarka sare iyo kartida oo dhamaantood wada socda’’
Dhanka kale Taliye William Shume ayaa ku booriyay saraakiisha cusub ee loo dirayo howlgalada in ay aqoon u yeeshaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday, isla markaana ay ilaaliyaan xirfadooda shaqo.
Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil Ciidan oo ka kala socday dalalka Burundi, Ethiopia, Ghana, Kenya, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia waxaana Fududeeyayaasha tababarkan ka mid ahaa saraakiil ka kala socotay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino baarista ee UNMAS.
Tababarkaan loogu soo gabagabay Magaalada Muqdisho Saraakiishaan ka tirsan Ciiidanka ATMIS ayaa imaanaya xilli horaan saraakiisha ugu sareysa ciidanka ATMIS ay shaaciyeen in ka qeyb qaadan doonaan howlagalada ay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka wadaan Gobollada Dalka.