Dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Ceel Qooxle written by Warsan Radio 29/09/2022 BELEDWEYNE — Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa lagu dilay dagaal culus oo maanta degaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidanka degaanka ee Macawiisley iyo kooxda Al-Shabaab.Dadka ku dhintay dagaalka maanta waxaa ku jiray nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo hormuud u ahaa kacdoonka Al-Shabaab loga soo horjeedo ee ka socda gobalka Hiiraan.Dagaalka oo ku billowday qarax xoog leh ayeey labada dhinac isu adeegsadeen hub culus.Degaanka Ceel Qooxle oo u dhow xadka goballada Hiiraan iyo Shabellehaha Dhexe ayaa waxaa dhawaan Al-Shababab kala wareegay ciidanka degaanka.Sida ay VOA u sheegeen ilo-wareedyo degaanka ku sugan, xaaladda ayaa hadda degan, waxaana degaanka Ceel Qooxle ku sugan ciidanka deegaanka ee Macawiisley.Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa facebook uga tacsiyeeyey geerida nabadoon Cilmi.“Mujaahid Cilmi wuxuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.“Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa.” Dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Ceel Qooxle was last modified: September 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah You may also like Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb 01/10/2021 Sawirro: Sidee madaxweynaha Soomaaliya loogu soo dhaweeyey dalka Turkiga? 03/07/2022 Sawiro: Ra’iisul Wasaare Khayre; Dadka Soomaaliyeed lagama adkaado, hiigsigooda kama tagaan, marka ugu dambeysana iyagaa guuleysanaya 25/02/2020 Mareykanka oo shaaciyay magaca iyo sawirka Askari Mareykanka ah oo dhawaan lagu dilay Soomaaliya 10/06/2018 Hay’adaha Qaramada Midoobay oo Mar kale qayla dhaan ka Muujiyay Xaaladda cakiran ee Qasa 06/11/2023 DFS & dowlad Goboleedyada oo Shir ka yeeshay howlgallada ka socda dalka 28/10/2022 Dhageyso Munasabad Aas aaskii ciidamada xoogga dalka 12 April ayaa lagu qabataya magaalada beledweyne. 12/04/2017 Ingiriiska oo Soomaaliya ka saaraya dalalka ku jira liiska cas 08/10/2021 Soomaaliya iyo Comaros oo ka wada hadlay la dagaalanka Alshabaab 19/08/2023 Taliyihii Ciidanka Gaarka Ee Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Dhaawacay Afaafka Hore Ee Madaxtooyada. 26/03/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.