Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah written by Warsan Radio 29/09/2022 STOCKHOLM — Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman, oo ah laba gabar oo Soomaali ah oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ayaa maanta ku guuleystey abaalmarinta Right Livelihood Award ee Sweden, taasi oo Sweden ay u aragto beddelka abaalmarinta Nobel-ka.Hay’adda Right Livelihood oo bixisa abaal-marintan ayaa sidoo kale abaal-marisay iyo qareen u dooda xuquuqda aadanaha oo u dhashay dalka Ukraine, ururka Cecosesola ee dalka Venezuela, oo ah urur bixiya adeegyada bulshada, iyo Machadka Afrika ee Maamulka Tamarta.“Ayado oo ay jiraan fashil ku yimid dowladnimada iyo burburka kala dambeynta – oo ay ku jiraan dagaallo, argagixisanimo, xagjirnimo, barakac ballaaran iyo qalalaase dhaqaale – (kuwii helay abaal-marinta sanadkan) waxay aas-aaseen nidaamyo cusub oo bin’aadannimada ay xudun u tahay,”, waxaa sidaas yiri aas-aasaha hay’adda Ole von Uexkull oo war-saxaafadeed soo saaray.Fartuun Aadan iyo gabadheeda Ilwaad Elman, oo maamula hay’adda Elman Peace, ayaa waxaa lagu abaal-mariyey “sare u qaadidda nabadda, hub ka dhigista iyo xuquuqda aadanaha Soomaaliya, xilli dalka ay ka jiraan argagixisanimo iyo rabshado ku saleysan jinsiga.”Fartuun iyo Ilwaad ayaa maamula hindisooyin gacan ka gaysta hub ka dhigista iyo dhaqancelinta caruurta hore loo askareeyey iyo sidoo kale dhibbaneyaasha rabshadaha ku saleysan jinsiga.Waxaa hindisooyinkaas ka mid ah; wax ka qabashada sababaha keena xagjirnimada, waxayna ayada oo sidaas sameyneysa ay hay’adda ay maamulaan fursado siisaa caruurtii hore loo askareeyey iyo kuwa halista ugu jira.Hanaanka ay Fartuun iyo Ilwaad ku caawiyaan dhallinyarada waxaa ka mid ah; taageero dhanka maskaxda ah, dhaqan-celin, wax barashada tababar xirfadeed iyo shaqo abuur.“Guusha hanaanka Fartuun iyo Ilwaad waxa ay horseedday in looga daydo dalal kale oo ay dagaalo la mid ah Soomaaliya ka dhaceen, kuwaas oo ku yaalla Galbeedka iyo Bartamaha Afrika,” ayey tiri Hay’adda Right Livelihood.Fartuun iyo Ilwaad ayaa sidoo kale horey ugu guuleystay abaal-marino kale oo caalami ah. Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah was last modified: September 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Ceel Qooxle next post Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan You may also like Deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom oo sanadkii 2aad la bixinayo 26/07/2020 Mareykanka oo abaal-marin lacageed dul-dhigay Sarkaal loo heysto weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay 06/01/2023 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 02/04/2017 Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub 07/08/2022 Dowladda Soomaaliya oo Midowga Afrika kala hadashay taageerada dagaalka Hiiraan 15/10/2022 Dhageyso;- Barnaamijka Ciyaaraha 23/02/2022 Video:-Dayacatir Balaaran Ayaa Ku Socoto Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo 21/10/2017 Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Ceelwaaq 22/04/2022 Wararkii ugu danbeeyay Dagaal khasaaro gestay oo ka dhacay duleedka diinsoor ee Gobalka Baay 21/10/2020 Maxaa ka jira in Ethiopian Airlines ay joojisay Duullimaadyada hawada Somalia? 02/03/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.