
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal) iyo Xubno katirsan Maamulka degmadaas.
Ujeedka Wafdiga doorashooyinka Heer Federaal ay u tageen degmada Ceelwaaq ayaa waxaa uu yahay doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka oo todobaadka soo socda ka bilaabaneysa degmadaasi Ceelwaaq.
Sidoo kale Musharixiinta doonaysa inay u tartamaan 11-kii kursi ee dhawaan ay guddiga SEIT shaaciyeen kuwaas oo kamid ah 16-ka kursi ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo ay shahaadada musharaxnimo ku qaadan doonan waxaana lagu wadaa in isla maantaba ay doorashada bilaabato si loo dadajiyo howlaha dhamaystirka doorashada.

