Mareykanka oo abaal-marin lacageed dul-dhigay Sarkaal loo heysto weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay written by Warsan Radio 06/01/2023 Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu bixin doono lacag dhan 10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo soo qabto Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lala xiriirinayo weerarkii 2020-ka lagu qaaday Saldhig Ciidamada Cirka Kenya ay ku leeyihiin oo lagu dilay Saddex Mareykan ah.“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka (RFJ) oo ay maamusho Hay’adda Ammaanka Diblomaasiyadda, waxa ay ku bixinaysaa abaal-marin dhan 10 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah ciddii keenta xog horseedi karta in la soo xiro ama lagu xukumo dal kasta oo Macallin Ayman ama qof kasta oo dalkasta galey, isku dayey, ama maleegay in uu geysto, ama gacan ka geystay fulinta weerarkii Al-Shabaab ee Janaayo 5, 2020 ee shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee garoonka Manda Bay ee Kenya.”Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa rumeysan in Ayman uu mas’uul ka ahaa qorsheynta weerarka Janaayo 2020.Macalin Ayman ayaa hogaaminaya Jaysh Ayman oo ah cutub ka tirsan Al-Shabaab oo la aas aasay sanadkii 2013 si ay howlgalo uga fuliyaan gudaha Kenya. Kooxdan ayaa waxaa loogu magacdaray Macalin, kaasoo sida la sheegay ka soo jeeda degmada Mandheera. Kooxda ayaa fariisimo ka sameysatay dhulka howdka ah ee keymaha Boni ee gobolka xeebta Kenya ee Lamu.Labo duuliye oo qandaraasleyaal Mareykan ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay weerarka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qandaraasle Mareykan ah iyo labo askari oo kale.Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Ayman u aqoonsatay Argagixiso Gaarka ah oo Caalamiga ah bishii Noofambar 2020. Al-Shabaab waxaa loo kala saaray Urur Shisheeye iyo Argagixiso Caalamiga a bishii Maarso ee sanadkii 2008-dii. Mareykanka oo abaal-marin lacageed dul-dhigay Sarkaal loo heysto weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay was last modified: January 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyadii degmada Maxaas next post Sarkaal ka tirsan Daacish oo loo qabtay Qarixii uu ka badbaaday Madaxweyne Buhari You may also like MW laftagareen” dib u dejin ayaan u sameyneynaa dadka la soo musaafuriyay” 06/10/2021 Al-Shabaab oo weeraro ka geystay degaano hoostaga Mandheera & khasaaro ka dhashay 09/08/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 09/11/2020 Madasha Xisbiyada Oo War Kasoo Saartay Shirka Farmaajo, Axmed Madoobe Iyo Deni 05/09/2020 Internetka oo wali ka maqan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya 28/06/2017 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Maraykanka 16/02/2023 SAWIRO:-Urrurada Saxaafadda & Madaxda Warbaahinta ayaa walaac ka muujiyay xariga Xoghayaha SJS 12/10/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/11/2022 Adolf Hitler oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalka Namibia 03/12/2020 Qalbidhagax oo shaaciyey qofka ay la tahay inay laheed amarkii loogu dhiibay Itoobiya 22/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.