Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyadii degmada Maxaas written by Warsan Radio 06/01/2023 Xog-hayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul u cambaareeyay labo qarax oo baabuur oo Arbacadii ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.Xoghayaha Guud ee Ururka OIC, Xiseen Ibraahim Taha ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay inay si weyn u cambaareynayaan weerarkaas, isagoo tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaas iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay.Barqanimadii Arbacadii Al Shabaab ayaa weerar labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, halkaasi oo weerarku uu ku qaaday deegaan ka kooban guryo, maqaayado iyo dukaamo, waxaana ku dhintay 35 ruux, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyadii degmada Maxaas was last modified: January 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DHAGEYSO:-WARKA DUHURNIMO EE IDAACADA WARSAN next post Mareykanka oo abaal-marin lacageed dul-dhigay Sarkaal loo heysto weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay You may also like Dhageyso :- Barnaamijka Kulanka Warsan 17/01/2022 Trump Oo Wacad Ku Maray Inuu Soo Laaban Doono 21/01/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/12/2021 Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo QM kala hadlay Arrimaha doorashooyinka 02/05/2022 Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya 12/03/2021 War Ka Soo Kordhay Xanuunkii Halista Ahaa Ee Ka Dillaacay Tanzania 15/07/2022 Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Ciidda Carafo 19/07/2021 Dhageyso;- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 04/09/2022 Faah faahin: Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku dilay 5 Carruur ah 08/08/2023 Mareykanka oo baaraya in Coronavirus si ku talo-gal ah loo abuuray dunnidda 16/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.