Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like DHAGEYSO:-WARKA HAEN EE IDAACADA WARSAN WAXAA CAAWA IDIN SOO GAARSIINAYSA FAYSAL DHAAYOW DHAGEEYSI FIICAN 25/12/2016 Maamulka Puntland oo joojisay Kulan uu Wasiirka Dhalinyarada ku lahaa Gaalkacyo 12/10/2022 Dhageyso:-Barnaamijika Salaamaha Wariyasha Idaacada Warsan. 01/08/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 07/11/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 13/08/2019 Guddiga kasoo tala bixinta doorashooyinka dalka oo shaaciyay Natiijooyin hordhac ah 17/08/2020 Galmudug oo soo saartay Jadwalka doorashada Saddex Kursi 14/03/2022 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 17/10/2022 Ciidamada Israel oo duqeyn culus ku billaabay Lubnaan iyo wararkii ugu dambeeyey 18/05/2021 Dal Carbeed oo ku dhawaaqay in kalabar uu ka cafinayo deynta uu ku leeyahay Soomaaliya 09/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.