Dal Carbeed oo ku dhawaaqay in kalabar uu ka cafinayo deynta uu ku leeyahay Soomaaliya written by Warsan Radio 09/01/2023 Dowladda Iraq ayaa ku dhawaaqday inay Somalia ka cafin doonaan kala-bar Lacagihii ay Dowladda Iraq ku lahayd ee la bixiyey xilligii uu Talada dalkaasi hayey Alle ha u Naxariistee Madaxweyne Saddam Xuseen.Go’aanka Dayn Cafintaasi waxaa shaaciyey Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Sudan ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Zayd Al-Sabaan.Wareysi uu siiyey Wakaallada Wararka Bariga Dhexe ee The Middle East News Agency (MENA) waxa uu ku xaqiijiyey in Ururka Jaamacadda Carabta la soo gaarsiiyey Heshiis Isfaham oo Rasmi ah oo ay Jamhuuriyadda Iraq ku caddaysay inuu socdo dadaalka ay ku cafin doonaan Kala-bar Daymaha ay Somalia ku lahaayeen.Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horey uga codsaday Dowladdaha xubnaha ka ah Ururkaasi inay Somalia ka cafiyaan Daymaha ay ku lahaayeen, iyadoo la tixgelinayo Daruufaha Adag ee dalka Somalia soo wajahay Tobanaankii sano ee la soo dhaafay ee ka horjoogsaday inay Iska bixiyaan daymaha ay ku leeyihiin dalalka Carbeed iyo kuwa Caalamka.Dhinaca kale, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Sudan ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Zayd Al-Saban waxa uu Wareysiga uu siiyey Wakaallada Wararka ee MENA ku xusay in lagu guuleystay dadaal ay iska kaashadeen Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta , Ahmed Abul Qeyd iyo Dowladda Federalka ee Soomaaliya sanadkii 2016-dii si wax looga qabto Daymaha ay dalalka Dibedda leeyihiin Somalia. Dal Carbeed oo ku dhawaaqay in kalabar uu ka cafinayo deynta uu ku leeyahay Soomaaliya was last modified: January 9th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Deni oo ka hadlay sababta uu ku diiday saxiixa War-Murtiyeedkii Shirkii Madasha ee Muqdisho” next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 06/07/2020 Golaha Wasiirada Xukuumadda oo Maanta kulan aan caadi aheyn ku leh Muqdisho 28/10/2023 Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Daah-furay Qorshaha Gobalka Banaadir Ee Xal u Helidda Barakacayaasha 20/01/2020 Doodu Ku saabsan doorka dhalinyarda ee Nabadda iyo Go’aan gaarista/Siyaasada 26/07/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 15/10/2021 Maxay ka wada hadleen Duqa Muqdisho & Safiirka Turkiga? 07/10/2021 Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay qaraxa iyo weerarka lagu qaaday hotel Elite ee Muqdisho 17/08/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 03/07/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 17/11/2022 Beesha Caalamka” Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo doorashada ah” 10/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.