Wararka naga soo gaaraya Maaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Rasaas xoogan laga maqlayo Magaaladaas kadib markii maleeshiyo Beeleed hubeysan ay weerareen Saldhigga Booliska Magaaladaas.Wararka la helay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka hubeysan ay diidan yihiin in Xabsiga Magalada Garoowe loo gudbiyo Dhalinyaro ku heyb ah oo Maxkamadda Magaalada burtinle xukun ku riday.Qaar kamid ah dadka Magaalada Burtinle ayaa sheegay in uu istaagay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada dheer ee laamiga ah, sidoo kalena dagaalka uu sameeyay socodka Ganacsiga magaalada.laamaha Amniga iyo Maamulka Magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhiga Booliska Magaalada, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarka.