Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxyadii ka dhacay magaalada Baladweyne.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxyadan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Hirshabeelle iyo kuwa heer dowlad Goboleed, in ay sare u qaadan feejignaantooda amni, kana hor tagaan falalkooda ay geysanayaan Al-Shabaab maadaama lagu soo jabiyey furimaha dagaalka, lagana xoreeyey deegaano iyo magaalooyinka ay ku sugnaayeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta Ciidamada Xoogga Dalka, si loo dhammeystiro xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab ka qorsheeyaan weerarada ay geystaan.