Baydhabo-{WMN}-Magaalada Muqdisho waxa ka ambabaxay Ciidamo aad u farabadan oo kamid ah Millateriga Soomaaliya, kuwaas oo gaaray degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe
Ciidamadanan maalmihii la soo dhaafay qabaan qabadoda ay ka socotay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray degmada Cadalle, waxaana ujeedkooda uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe
Xildhibaano ay kamid yihiin Maxamed Cajiib Cismaan Xaadoole iyo Saraakiil Ciidan ayaa hoggaaminaya howlgallada Gobolka Shabeellaha Dhexe looga saarayo Al-Shabaab,
Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud 1-kii Bishii May ee sanadkan 2022 ayaa waxaa dalka ka bilaawday kacdoon ka dhan ah alshabab taaso ka bilawaday qeebyo ka mid ah gobolada Dalka