Ciidamo & Gaadiid dagaal oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday written by Warsan Radio 13/10/2022 Waxaa Maanta degaanka Yasooman ee gobolka hiiraan gaaray gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo ka yimid dhinaca degmada guriceel ee gobolka Galgaduud si ay u caawiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa xoreynta gobolka Hiiraan ee halkaas ku sugan.Shalay degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & dadka degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab, kadib markii weerar qaraxyo ku bilaawday ay degaankaas ku qaadeen Ururka Al-Shabaab.Ciidamada Maanta tegay degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Xildhibaano katirsan golaha Shacabka, Guddoomiyaha gobolka hiiraan & Saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugan degaankas.Waa gurmadkii ugu horreeyay ee Gobolka Galgaduud uga yimaada Gobolka hiiraan marka laga reebo Ciidamada qeybta 21aad o mararka qaar ka qeyb geli jiray dagaalada ka socda Gobolka hiiraan, waxaana ay Ciidamadaan si toos ah ugu biiraan howlgallada ka dhanka ah urur aAl-Shabaab.Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowladda Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer qeylo dhaan muujiyay, iyaga oo sheegay in lagu fiirsaday dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, taas oo keentay in mid kamid ah Beelaha dega gobolka Galgaduud ay gurmad u soo diraan. Ciidamo & Gaadiid dagaal oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday was last modified: October 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Siyaasiyiin la sheegay inay Madaxweynaha Gorgortan kula galayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab next post Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Addis Ababa You may also like RW ku Xigeenka dalka oo Guddoomiyay shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah 11/10/2023 Why is Robow under arrest for 3 years? 09/10/2021 Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo degaano horleh la wareegay 17/02/2023 Maamulka Jubbaland oo shir xasaasi ah ka yeeshay arrinta Gobolka Gedo 12/07/2022 DHAGEEYSO:-Doorashada Aqalka Hoose oo ka socota magaalada baydhabo Baydhabo. 23/11/2016 Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb 01/10/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 29/09/2020 Dowladda federalka Soomaaliya oo ka hadashay diyaarad laga celiyay magaalada Garacad 03/04/2021 Shirka Dhuusamareeb oo ku soo dhamaaday natiijo la’aan 06/02/2021 Gabar Soomaaliyeed oo ku tartamaysa Feerka Ciyaaraha Olombikada 03/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.