Siyaasiyiin la sheegay inay Madaxweynaha Gorgortan kula galayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab written by Warsan Radio 13/10/2022 Iyada oo qeybo kamid ah gobolka hiiraan ay ka socdaan dagaalo iyo howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay jiraan Siyaasiyiin xagal daacinayo howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.Xildhibaan Maalik Cabdalla oo katirsan Xildhibaannada golaha Shacabka ee qeybta ka ah howlgallada ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin Madaxweynaha Soomaalia kula gorgortamaya in la siiyo lacag iyo xilal si ay ugu biiraan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka siyaasiyiinta ah ee qorshahaas wada asyan aheyn AMISOM oo lacag ku qaadata dalka, isaga oo sheegay in aan laga aqbaleyn uuna socon doono dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab.Ugu dambeyn Xildhibaan Maalik Cabdalla wuxuu sheegay in dadka Reer Hiiraan aysan jirin cid ay duulaan ku yihiin, balse Gobolada la deriska ah ee siyaasiyiinta kasoo jeeda shuruud ku xirayaan dagaalka ay Al-Shabaab ku weerari doonaan goobaha ay kasoo abaabulaan weerarada.Hadalka Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa kusoo aadaya xilli dagaalo farabadan ay ka dhaceen gobolka Hiiraan, isla markaana Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolkaas ay dhowr jeer sheegeen in lagu fiirsaday dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Siyaasiyiin la sheegay inay Madaxweynaha Gorgortan kula galayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab was last modified: October 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirka Maaliyadda dalalka Afrika oo la soo geba-gabeeyay & Somalia oo ka qeyb gashay next post Ciidamo & Gaadiid dagaal oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday You may also like Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 09/10/2022 Akhriso:-Farmaajo oo sheegay in dowlada ay dib u soo celinayso nidaamkii waxbarashada lacag la’aanta ahaa 27/09/2018 Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq u diray madaxda dawlad goboleedyada 25/04/2024 Akhriso:-Xasan Sheekh Maxamud oo kulan la leh Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beeshiisa 12/09/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/01/2022 Wariye Maxamed Deeq Serjito oo lagu xiray Magaalada Baydhabo 27/08/2020 Dhageyso:-madoowe nuunow oo ka hadlaayo dhismaha degaanada bakool 06/09/2017 Madaxweyne Xasan Sheekh oo cadeeyay mowqifkiisa dagaalka Laas-Canood 07/02/2023 Sacuudi Carabiya oo diiday in uu ka noqdo amar uu ka soo saaray Masaajidyada 01/06/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 21/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.