Dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika oo kordhay written by Warsan Radio 16/10/2022 Todobaadkaan waxa aaad u kordhay dilalka dhalinyarada Soomaalida ah Kooxaha Burcadda ah ay ugu geysanayaan meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika, iyada oo maalmihii la soo dhaafay la dilay in ka badan Saddex Ruux.Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay waxaa ay kudileen Deegaanka Zwide township Ee Duleeedka Magalada Gqeberh (Port Elizabeth) muwaadin Soomaaliyeed oo rooti Gaari ku wareejin jiray.Alle ha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed oo lamagacisa lagu soo koobay Najiib ayaa la sheegay in rag burcad ah oo hubeeysnaa ay weerareen xilli gaari uu Rooti ku wareejinayay isagoo geeynaya dukaamo uu macaamil la ahaa.Ciidamada booliska oo gaaray dukaanka falka dilka ah uu ka dhacay ayaabilaabay baadi goobka burcadii ka dambeeysay dilka toogashada ah wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.Sidoo kale shalay gelinkii dambe Kooxo burcad ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed kudilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala xaafada Tzakani ee hoostagta magalada Johannesburg sida ay xaqiijiyeen ehalladiisa.Dhinac kale Maalintii khamiista aheyd ee aan kasoo gudubnay Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dukaanka uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala degmada Germiston ee gobolka Gauteng, kaas oo lagu magacaabi jiray Hassan Mohamud (Hassan Ever)Dhacdooyinka la xiriira dilalka Soomaalida loogu geeysto dukaamaha ayaa sara usii kacay dalka Koonfur Afrika maalmihii la soo dhaafay, waxaana dilalka inta badan ay ka dhacaan deegaano iyo tuulooyinka ay ku badanyihiin falalka dambiyada. Dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika oo kordhay was last modified: October 16th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Madaxweynaha soomaliya Xasan Sheekh oo ka hadlay Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Dalka Turkiga You may also like Taliyha ciidanka dhulka oo jawaab ka bixiye hadalkii ka soo yeeray kooxda Al-Shabaab 19/09/2022 DAAWO MUUQALAKA: Muhiimada Qodobadii Laga Soo Saaray Shirkii Madaxda Maamul Gobaledyada Iyo Dowlada Dhexe 05/11/2017 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 24/05/2022 Axmed Madoobe oo maanta hor tegaya guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare 06/09/2020 Iskuul ku yaala dalka Canada oo loogu magac-daray Hodan Naaleeye 04/03/2021 Dhageyso Dood ku saabsan saameynta Corona Virus uu ku yeeshey xarumihii caafimaadka ee kuyaaley xerooyinka Barakacyaasha ee Magaalada Baydhabo. 22/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka warsan 26/09/2018 Akhriso:-dagaal ka dhacay degmada Mooyaale 13/11/2018 Fariinta wacyigelinta cudurka Dabeesha. 10/04/2022 Daawo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo baaq deg deg ah soo saaray 22/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.