Puntland oo heegan gelisay Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bari written by Warsan Radio 25/10/2022 Dowlad Goboleedka Puntland ayaa heegan buuxa geliyay Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas gaar ahaan kuwa daraawiishta ee ku sugan Gobolka Bari, kuwaas oo dhawan la filayo in dhulka Buuraleyda ah ay ka bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac oo maal mahaan safar shaqo ku joogay Buuraleyda Silsiladda Golis ee fariisamaha Ciidanka Daraawiishta Gobalka Bari ayaa gaaray magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.Taliyaha ayaa dhamaan fariisamaha Ciidanka ku maray kormeer Xeryaha kala ah Af-urur , Yalho , Kalabayr , jinbac , sugure 1 & 2 , bali-khadar , Bayska galgala iyo kuwa ku sugan Gudaha Magaalada Boosaaso.Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa sheegay in kormeerkaan uu yahay mid uu ugu kuurgalayo xaladda dhabta ah ee ciidanka , isaga oo ugu baaqay inay heegan u alaan howlgallada laga fulinayo Gobolka Bari.Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa warbixinada Ciidanka uga dhagaystay Saraakiisha , isaga oo ciidanka u balan qaaday in ay kor usii qaadi doonaan xaq iyo xuquuqdooda ay ku leeeyihiin Maamulka. Puntland oo heegan gelisay Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bari was last modified: October 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dadka ku dhintay dagaal Beeleedyada ka socda dalka Suudaan oo kordhay next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 18/10/2021 Wasiirada Maaliyaddav DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Go’aano soo saaray 14/08/2023 Faah faahin: Kulankii Ra’iisal Wasaare Rooble la qaatay ganacsatada 03/03/2021 Maamulka Koonfur Galbeed oo Hay’adaha UN-ka kala hadlay u gurmashada.. 08/10/2021 Boqolaal Ruux Oo Laga Soo Tarxiilay Laascaanood Oo Gaaray Degmada Burtinle Ee Gobolka Nugaal 03/10/2021 Government develops Education Sector COVID-19 Preparedness and Response Plan 24/04/2020 Nin Bam ku tuuray goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan DANAB oo la qabtay 28/10/2023 Ciidamada Xoogga dalka & kuwa AMISOM oo la wareegay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al Shabaab 27/02/2021 DHAGEYSO:-Barnaamijka Kulanka Warsan 31/03/2020 Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda Dhaarinta Guddiga Madaxa Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa “SAWIRRO” 25/04/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.