Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta written by Warsan Radio 01/11/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan si uu ugu sii gudbo dalka Aljeeriya.Madaxweynaha ayaa Magaalada Khartuum kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga la xiriira dhanka amniga.Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab uu ka qeyb-galayo Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya dalka Aljeeriya.Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda dalka Aljeeriya uga qeyb galeyso Shir madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta.Wararka ay Risaala heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu uga sii gudbi doono markii uu dalka Aljeeria uga qeyb galo shirka dalka Masar, si uu madaxda dalkaas ugala hadlo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta was last modified: November 1st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacda Warsan next post ATMIS ku dhawaaqday in Ciidamada dowlada ay la wareegi karaan mas’uuliyadda amniga dalka You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 03/09/2019 Dowladda Soomaaliya & Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dilka guddoomiyihii degmada marka 27/07/2022 Maraykanka oo walaac ka muujiyay kalsooni kala noqoshadii Ra’iisul Wasaare Kheyre 26/07/2020 Akhriso:-Indonesia oo markab Deeq ku wareejisay Dowladda Soomaaliya 05/06/2017 Akhriso:-Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta 23/06/2019 Midowga Yurub oo dhimay lacag uu siin jirey ciidamad Kenya ee ka tirsan AMISOM 19/06/2021 Dhageyso;- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 14/09/2022 Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Diiwaan-geliyay Xisbiyo Cusub 01/07/2020 Akhriso+Sawiro:-Sedex musharax oo manta ka hor hadashay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed 16/12/2018 Ciidanka Gorgor oo howlgal ka sameeyay Shabeellaha Hoose 19/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.