
Wafdii Oo Uu Hogaaminaayo Wasiirada Wasaaradaha arrimaha gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed Mudane Abdullahi Haaji Hassan ayaa maanta gaarey Magaalada Xudur, ee Xaruunta Gobolka Bakool .
Waxaana Wafdigan Labada Wasaarood ayaa waxaa Qeyb ka ahayeen Xildhibaano, Wasiiro katirsan dowlada Federaalka iyo Koonfur Galbeed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Mudane Abdifatah Mahad Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed lataliyaasha Madaxweynaha Maamul Daadajinta.
warfaafinta iyo Masuuliyiin kale.Waxaana Garoonka Diyaaradaha magaalada Xudur Ku Soo Dhowooyey Maamulka Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool. Waxaana ay Kaga Qeybgali doonaan Munaasabadda Caleemasaarka maamulka cusub ee dhowaan Bulshada ay doorteen ee magaalada Xudur.














