Booliska Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysatay written by Warsan Radio 27/11/2022 Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa kadib howlgal ay xalay ka sameyeen meelo kamid ah Magaalada Muqdisho waxaa ay kusoo qabteen Rag hubeyan oo watay Mooto Bajaaj, kuwaas oo la sheegay inay dhac geysteen.War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku howlgalleen cabasho uga timid dadka Shacabka, isla markaana raga hubeysan ee dhaca geystay & Mootadii ay wateen ku qabteen degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.“ Abaare 10:00 fiidnimo ee xalay, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafada Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo geystay ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Booliska.Sidoo kale Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya waxaa ay sheegeen in Mootadaan ay isla xalay fiidkii horay dhac uga geysatay Xaafada DAALO ee Degmada Howl-wadaag, kadib markii ay Bulshadu ka gacansiisay gacanta lagu soo dhigay.Ugu danbeyn Booliska ayaa Shacabka ku wargeliyay inay socdaan howlgallo lagula dagaalamayo Burcada hubaysan iyo Xubnaha katirsan ururka Al-Shabaab ee mararka qaar falalka Amni darro ka geysta Magaalada Muqdisho.Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Shacbaka kunool degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ay ka cabanayeen Kooxo burcad ah oo dhac u geysnaya, kuwaas oo qaarkood dadka dilaya, waxaana taasi keentay in Booliska Soomaaliya ay joojiyeen inay shaqeyso mooto Bajaajta wixii ka dambeeya 12:00 habeennimo wallow aysan dhaqan gelin amarkaas intooda badan. Booliska Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysatay was last modified: November 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar oo laba garab u kala jabay next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Magacyada Wufuuda Soomaaliya iyo Somaliland uga qeyb galaya Shirka Jabuuti (Akhriso) 14/06/2020 Maamulka Jubbaland oo sheegay inay howgal kudileen Saraakiil & Xubno katirsan Al-Sabaab 04/02/2023 Magaalooyinka Gobolka Bakool oo Maanta looga fariistay imtixaanka fasalka 8 aad ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya 05/06/2021 Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Madaxweynaha Puntland? 28/10/2022 Boqorkii kubadda cagta ee reer Brazil ee Pele oo geeriyooday 30/12/2022 Xildhibaanada BF Soomaaliya oo meel mariyey xeerka kuraasta gobollada waqooyi ee dalka 23/06/2020 Dhageyso:-Deeq Jaamacadeed Oo ka timed Raisul Wazaaraha Dowlada Federaalka Soomaliya Mudani Xassan Cali Kheyri Ayaa Maanta Lagu Daah Furey Magaalad Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Bay. 20/09/2017 Dhageyso:-Natiijada tartankii Caawa Wadajir B vs Towfiiq B 29/04/2022 Dhageyso:-Warka Fidnimo ee Idaacada warsan 11/09/2018 DHAGEYSO: Warka Caawa ee Idaacada Warsan 11/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.