Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar oo laba garab u kala jabay written by Warsan Radio 27/11/2022 Waxaa sii xoogaysanaya xiisadda ka dhex aloosantay sanadihii ugu dambeeyay kooxo ka wada tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ku kala sugan Istanbul iyo London, waxaana khilaafkoodu uu salka ku hayaa qaab dhismeedka hoggaanka Ururka.Wixii ka dambeyay markii ciidamada Masar ay la wareegeen awoodda Masar sanadkii 2013, dhibaatooyinkii lagala kulmay hoggaanka ururka ayaa horseeday inay soo baxaan laba garab oo kala duwan, oo Turkiga iyo Ingiriiska ku kala sugan.Kadib markii mid ka mid ah madaxda ururka oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Muniir uu ku geeriyooday magaalada London ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay loolanka ka dhaxeeya labada garab.Arrintaan ayaa calaamad u ah in ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo ka mid ah dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta siyaasadeed ee ugu weyn adduunka, uu kala jabay.Ururka Ikhwaanul Muslimiin waa urur leh taariikh 94 sano ah. Ururka Ikhwaanul Muslimiin, waxaa la aasaasay sanadkii 1928-kii waxaana aasaasay macalinkii dugsiga hoose ee Xasan al-Bannah. Sanadihii la soo dhaafay ururku wuxuu awood weyn ku yeeshay Masar iyaga oo gacan ka helaya dadweynaha. Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar oo laba garab u kala jabay was last modified: November 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Booliska Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysatay You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 29/09/2019 Xaafada Holwadaag iyo Deegaanka Deynuunay oo Caawa habeenkii 8 aad tartan xiiso leh dhexmarey. 01/05/2020 AKHRISO:-Eritrea oo dafirtay in ay taageerto Al-Shabaab 15/04/2017 Ciidamada dowladda Soomaaliya oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab 13/09/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/06/2021 Madaxweyne Farmaajo oo xil u magacaabay Yuusuf Garaad 03/12/2020 Booliska oo faah faahiyay sababtii Cabdiweli Muudeey loogu diiday in uu aado Baraawe. 14/02/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 12/09/2021 Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo Gaaray DJibouti 14/06/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 09/12/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.