Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir ka dhacay dalka Masar written by Warsan Radio 07/12/2022 Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb-galay shir ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta Qaahira ee dalka Masar, kaasoo looga hadlayay Abaaraha, badqabka cuntada iyo u adkaysiga is-beddelka cimilada.Ergeyga oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in dadaalkii Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hormuudka u ahaa, deeqihii ka yimid dalalka deeq-bixiyayaasha ah iyo ka go’naanshihii hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah lagaga hor-tegey macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo sanadkan.Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sidoo kale xusay in weli ay halistii taagan tahay, maadaama xilli roobaadkii 5-aad uu ka hooseeyo heerkii la rabay, sanadka soo socdanna aan la hubin gargaarka ka imaanaya dalalka deeqaha bixiya, wuxuuna Dowladaha iyo hay’adaha shirka ka qeyb galay ku boorriyay in ay gurmadka qeyb ka noqdaan.Ergayga wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wax ka badan gargaar degdeg ah, taasoo ah in garab lagu siiyo sidii ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadka dalka, sida in la helo maalgelinta mashaariic dhisaya u adkaysiga aafooyinka iyo la qabsiga is-beddelka cimilada si looga maarmo ku tiirsanaanta gaargaarka iyo gurmadka bani’aadannimada.Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha oo qaybaha muhiimka ah ee shirka guddoominayey ayaa Dawladaha Carabta ugu baaqay in ay garab istaagaan Dawladda Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, awoodna ugu yeelato in ay dadkeeda gagaar iyo gurmad la gaarto, una fuliso mashaariic horumarineed oo dadka wax tar u ah.Waxaa Ergeyga shirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Hay’aada Maareynta Musiibooyinka – SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan iyo saraakiil kale oo ka socday SoDma iyo Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta XFS. Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir ka dhacay dalka Masar was last modified: December 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Hoggaamiyaha Shiinaha oo booqanaya Sacuudiga next post Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray Itoobiya You may also like Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Itoobiya 07/07/2022 Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo ka hadashay Bariiska Caaga ee lagu arkay Suuqyada Caalamka 28/06/2017 Dhageyo:-Barnaamijka Kulanka Warsan 27/06/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 23/11/2020 Dhageyso+ Sawiro:- Khubadii manta oo madaxweyne Farmaajo ka soo jediyay Xuska Sanad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaalia 13/04/2018 DHAGEYSO : URURKA SUXUFIYINTA GABDHAHA SOOMALIYEED OO TABABAR U QABTEY WARIYAASHA GABDHAHA BAYDHABO. 27/04/2018 Puntland oo faah faahisey halka ay mareyso Nabadeynta beelo dagaalamay 21/01/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 22/02/2023 Dhageyso: Fursado waxbarasho oo loo sameeyay dhalinyarada degmada qansax dheere. 05/02/2020 Dhgeyso+Sawiro:-Dufcadii 15aad eek a qalin jabisay iskuulka Model oo loo sameeyay Xaflad sagootin ah. 21/04/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.