Maraykanka oo qorshaynaya inuu Afrika ugu yabooho $55 Bilyan written by Warsan Radio 13/12/2022 Maraykanka ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaadhaysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota. Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.Dalka Maraykanka waxaa soo gaadhay hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka aadka u ballaadhan oo dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika, waxaana shirkan oo furmaya Salaasadan, la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaadhaysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika.Inta uu socdo kulanka labada dhinac, ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u eegista xidhiidhka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah, iyada oo loo marayo “in wadahadal laga yeesho, caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan.Shirkan oo furmaya Salaasada ayaa diiradda lagu saarayaa, “sidii loo ballaadhin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan” ayuuu yidhi sarkaal u hadlay dawladda Maraykanka oo magaciisa qariyey.Sarkaal kale oo Maraykanka ayaa isagu sheegay in laga yaabo inay shirka ka soo baxaan goaano iyo hindisayaal waaweyn, ka dib marka uu dhamaado saddexda maalmood ee la qorsheeyey.Yaa ka qaybgelaya shirkan:Afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka ee Maraykanka ayaa u sheegay VOA in la martiqaaday illaa 50 wefti oo kala metelaya 49 dal oo ku yaalla qaaradda Afrika iyo weliba ururka Midawga Afrika, kuwaas oo xaqiijiyey ka qaybgalkooda, waxaa kala duwan heerka metelaadda ee dawladaha ka qaybgelaya shirkan.Wefti ka socda dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaadhay dalka Maraykanka, kuwaas oo ka qaybgelaya shir madaxeedkan.Aqalka Cad ee dalka Maraykanka looga arimiyo ayaa sheegay inay jiraan illaa shan dal oo Afrikaan ah oo aan lagu casumin shirkan oo ay ka mid yihiin Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan, iyada oo sababta aan dalalkan loo casumin lagu sababeeyey, maadaama uu ururka Midawga Afrika uu hakiyey xubinimadii dalalkan, ka dib markii sifo aan sharci ahayn loo bedelay xukuumaddii dalkaas ka ariminaysay. Sidoo kale waxaa liiska dalalka aan la casumin ku jira dalka Eriteria oo aan xidhiidh diblomaasiyadeed la lahayn Maraykanka.Wadahadalada dhinaca ciidamadaWaxaa la filayaa in shirkan lagaga hadlo, sidii Maraykanku ugala shaqayn lahaa dalalka Afrika, dhinaca caqabadaha ka haysta ammaanka, gaar ahaan gobolka Saaxil ee Woqooyiga Qaaradda Afrika iyo weliba Soomaaliya.Kaaliye ku xigeenka dhinaca wasaaradda difaaca Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Chidi Blyden oo toddobaadkii hore la hadlay weriyayaasha ka soo warama wasaaradda difaaca, ayaa sheegay in kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya inay weli tahay halista ugu weyn ee jirta. Maraykanka oo qorshaynaya inuu Afrika ugu yabooho $55 Bilyan was last modified: December 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Askarigii dilay Juweeriya Subcis oo dil lagu xukumay You may also like Dhageyso:-Dood ku saabsan saameynta Covid-19 uu ku yeeshey Dhaqaalaha KGS. 09/09/2020 Madaxweyne Trump oo saxiixay sharci uu diidanaa 30/12/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/10/2019 Dagaal culus oo mar kale ka dhex qarxay dalalka Armenia iyo Azerbaijan 14/09/2022 Mike Pompeo iyo Netanyahu oo wax kama jiraan kasoo qaaday rajo ay Imaaraadka ka laheyd Mareykanka 24/08/2020 Dagaal Culus oo ka dhacay deegaanka Kudhaa iyo Al-shabaab oo guulo ka sheegatay 04/09/2021 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada warsan 11/09/2022 K/Galbeed Oo Kor U Qaadeysa Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha 11/12/2016 Milatariga Maraykanka Oo Qirtay Inay 23 qof Rayid Ah Ku Dileen Soomaaliya Iyo Dalal Kale 03/06/2021 Dad ku dhintay Shil ka dhacay dalka Pakistan 29/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.