Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka written by Warsan Radio 14/12/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed ku saabsan xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka binu aadantinimada la qaatay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka.Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mohamed Bazoum, waxayna Madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisada ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo wadajir loo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, waxa uuna bogaadiyey qorsheyaasha ku saleysan in wadajir la isaga kaashado arrinkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineysa daryeelka deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.Sidoo kale, Madaxda ayaa wada jir u xoojiyey qorsheyaasha lagu lafa-gurayo Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, gaar ahaan in lagu garab istaago dowladaha Soomaaliya hiigsigeeda horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga, isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka was last modified: December 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Puntland oo xukun ku riday rag dilal iyo qaraxyo geystay next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Maamulka Gobolka Bakool oo sheegay in ciidamada liyuu Boolis ay dileen dad Shacab ah 22/07/2022 International partners welcome recent political engagement in Somalia 27/11/2019 Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir 21/04/2020 Radio Warsan – Baidao oo wada Diyaargarowga Munaasabada ee ku aadan abaalmarinta tartan aqooneedkii ee bishii ramadaan. 24/11/2022 QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya 22/06/2022 QM Oo Shaacisay Tirada Dadka Falastiiniyiinta Ku Barakacay Weerarada Israa’iil 18/05/2021 Faafaahin laga helaayo Dil Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydbabo 23/01/2021 Urur udooda xuquuqda naafada Soomaaliyeed oo cambaareeyay dilkii gudoomiyihii naafada Baydhabo 02/07/2020 Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay kiisaskii ugu dambeyay ee Cudurka COVID-19 28/02/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 06/11/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.