Shaqaalaha dowladda Mareykanka oo laga mamnuucayo isticmaalka TikTok written by Warsan Radio 17/12/2022 Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa taageertay in lagu daro doodda miisaaniyadda maaligelinta dowladda Federaalka sharciga uu ansixiyay Aqalka Sare ee Senate-ka toddobaadkan, kaas oo ka mamnuucaya shaqaalaha dowladda federaalka Mareykanka inay isticmaalaan aaladda TikTok ee Shiinaha laga leeyahay.Afhayeen u hadlay Pelosi ayaa sheegtay inay taageersan tahay in lagu daro qodobka TikTok doodda Golaha Wakiilada ee toddobaadka soo socda.Taageerada Pelosi, oo ay weheliso tan Kevin McCarthy, oo ah hoggaamiyaha aqlibiyadda Jamhuuriga ee Aqalka, ayaa si weyn u kordhinaysaa fursadaha ansixinta miisaaniyadda dowladd Federaalka.Senetka ayaa Arbacadii u codeeyay hindise sharciyeed uu qoray Seneter Josh Hawley oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay App-ka Tiktok ku isticmaalaan Kumbuyuutarada iyo telefoonadda dowladda.Waxay ahayd tallaabadii ugu dambeysay ee sharci-dejiyeyaasha Mareykanku ay ku cabburiyaan shirkadaha laga leeyahay Shiinaha, iyadoo ay jirto walaac amniga qaranka ah Mareykanka ah, kaas oo Beijing ay u adeegsan karto aaladdan nooc basaasnimo ah. Shaqaalaha dowladda Mareykanka oo laga mamnuucayo isticmaalka TikTok was last modified: December 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xildhibaano ka digay muddo kororsiga Laftagareen next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan la qaatay Wikiil ka socda Qaramada Midoobay 02/09/2022 DHAGEYSO:-KA KULANKA WARSAN 17/09/2018 Wasaaradda arrimaha dibedda waxay ku kharash gartay $ 1.5 bilyan dimoqraadiyadda Soomaaliya waxayna dhistay kalitalisnimo 28/07/2020 Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab 19/04/2022 Talyaaniga oo u soo baxay kama-dambeysta koobka Euro 2020 07/07/2021 Sheekh Shariif “Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo Cad & qorshe siyaasadeed” 01/09/2023 laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Maandooriye & Dad ka Ganacsanayay 20/03/2022 DHAGEYSO: WARKA CAAWA EE IDAACADA WARSAN. 01/04/2020 Madaxweyne Qoor Qoor oo shaaciyey in shirka Dhuusamareeb 3 uu furan yahay , fariina u diray Puntland iyo Jubbaland 18/08/2020 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 14/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.