Dalalka ka qayb galay koobka adduunka oo loo qaybinayo $440 milyan, haddaba dal waliba intee ka helayaa? written by Warsan Radio 19/12/2022 Xulka dalka Argentine ee ku guulaystay koobka adduunka ayaa la siinayaa abaal marin lacageed oo gaadhaysa illaa $42 milyan oo dollar oo loo marinayo xidhiidhkooda kubadda cagta.Sidoo kale xulka Faransiiska oo isagu galay kaalinta labaad ayaa isaguna helaya $30 milyan oo dollar, oo ay ka helayaan lacagaha abaalmarinta ah ee ay bixinayso FIFA sannadkan, kuwaas oo gaadhaya $440 milyan oo dollar.Sannadkii 2018, waxaa xulka Faransiiska ee ku guulaystay koobka adduunka la siiyey $38 milyan oo dollar oo laga siiyey sanduuqa abaal marinta lacagaha ee FIFA, iyada oo sannadkaas guud ahaan lacagaha abaal marinta ah ee la bixiyey ay gaadhayeen illaa $400 milyan oo dollar.Lacagahan dhammaantood loo qaybin maayo ciyaartoyda, hase ahaatee waxaa loo qoondeeyey in qayb aad u wanaagsan laga siiyo ciyaartoyda.Xidhiidh kasta oo kubadda cagta ah oo ka soo qaybgalay koobka dunida ayaa helay ugu yaraan $9 milyan oo dollar oo ah inuu ka qaybgalay koobka dunida ee sannadkan, iyo $1.5 milyan oo dollar oo loogu talo galay inuu ugu diyaargaroobo koobka dunida.Halka ay lacag dheeraada helayaan dalalka u gudba wareega 16-ka iyo 8-da.Xulka Croatia oo galay kaalinta saddexaad ayaa isagu helay lacag gaadhaysa $27 milyan oo dollar, halka xulka Marooko oo galay kaalinta afraad la siin doono $25 milyan oo dollar.Dakhliga FIFA ee afartii sano ee la soo dhaafay ayaa wuxuu ahaa $7.5 bilyan dollar, kaas oo intiisa badan ay ka heshay dhinaca baahinta ciyaaraha, Sponsorships, iibinta tikidhada iyo adeegyada martigelinta. Dalalka ka qayb galay koobka adduunka oo loo qaybinayo $440 milyan, haddaba dal waliba intee ka helayaa? was last modified: December 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Bangiga Adduunka oo Soomaaliya u saxiixay Mallaayiin Dollar next post Diblomaasi Maraykan ah oo ku baaqay in xal nabadeed lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, iyo Kyiv oo ka hor timi You may also like Safiirka Turkiga ee Soomaaliya: “Waxaan tababareynaa seddax meelood meel militeriga Soomaaliya” 07/08/2020 Dhageyso+Sawiro:-Dood ku saabasan Caadalada 20/04/2021 Waxyeelada Fatahaad Webiga shabeelle uu ka geystay gobolka Sh/ Hoose 16/11/2023 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ergay cusub Magacaabay 19/04/2023 RW Xamse oo Xaflad soo dhaweeyn ah u sameeyay Saraakiisha Markab dagaal oo uu Turkiga leeyahay 24/04/2024 QARAX LALA BEEGSADEY CIIDAMO AMISOM AH . 10/10/2019 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 23/11/2021 Dhageyso Wareysi Gaadiid Sida Shixnado Ganacsi Oo Ku Xaniban Kontoroolka Bakiin 08/07/2020 DAAWO MUQAALKAAN HEESTII CUSBEED OO NOOQAADAY ALFANAAN ABDULKADIR JOKER NEW DAAWASHO WACAN 2016 20/07/2016 Dhageyso:-Barnaamijka la Ciid Warsan. 01/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.