Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno Shabaab ka tirsan written by Warsan Radio 24/12/2022 Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqeyn uu ku dilay lix ka tirsan Al-Shabaab Jimcihii, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika.Weerarkan ayaa ahaa mid is-difaac ah, sida uu sheegay taliska ama AFRICOM, waxaana lagu fuliyay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Marka loo eego qiimeyn hore, ma jirto dad rayid ah oo la dilay ama lagu dhaawacay.Duqeynta ayaa ka dhacday meel ku dhow magaalada Cadale oo qiyaastii 150 mile dhanka waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho.Markii saddexaad oo muddo 10 maalmood gudahood ah duqeyntaan ay dhacdo.Midka koowaad ayaa dhacay 14-kii December, waxaana AFRICOM ay sheegtay in 7 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Duqeynta labaad ayaa dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.“Al-Shabaab waa Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan caalamka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto rayidka Soomaalida, Bariga Afrika iyo Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay bishii May codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si looga hortago kooxda argagixisada ah. Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno Shabaab ka tirsan was last modified: December 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar toogasho ah oo ka dhacay bartamaha Paris next post Wafdi ka socda TPLF oo kusii jeedda gobolka Tigreega You may also like Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dhameystiri doonto xeerarka Shidaal baarista 08/11/2022 Maamulka Hir-Shabeelle oo magacaabis sameeyay 20/10/2022 Maamulihii Bangiga Somaliland ee Berbera & Dad kale oo ku geeriyooday Shil gaari 16/11/2023 Dhageyso: Warka Caawa ee Idaacada Warsan 24/12/2021 Suxufiyaddii ay dileen Ciidamada Israa’iil oo Aas Qaran loo sameeyay 11/05/2022 Kuuriyada Koonfureed oo xayiraad socdaal ku soo rogtey dalal ay Soomaaliya ka mid tahay 08/01/2022 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 21/06/2017 Faafaahin laga helaayo Khasaaraha ka dhashay Dagaal kadhacay Degaanka Awdiinle 06/07/2020 Maamulka G/Hiiraan oo hay’adaha UN-Ka kala hadlay gurmad gaarsiinta degaannada laga saaray Al-Shabaab 10/11/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.