Guddida Diwaan galinta ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa sadexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID ku war geliyay in Maanta oo ay tahay 26-ka Diisembar ku egtahay mudadii dhaqangalka liisimada xisbiyadaasi.
Hasa yeeshee waxaa go’aanka guddiga aashanka u daruuray xisbiga mucaaradka ah ee UCID.
Guddoomiyaha xisbigaas Feysal Cali Waraabe oo la hadlay Bbc-da wuxuu sheegay in qoraalka ay soo saareen uu yahay mid sharci darro ah oo uu u yeeriyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Xisbiyada ay yihiin kuwo sharci ku fadhiya, balse maqaamkooda ay ku waayi karaan kaliya in la helo xisbiyo bedela.