Madaxweynaha Rwanda oo ku hanjabay inuu saarayo qaxootiga u dhashay Congo written by Warsan Radio 10/01/2023 Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kumaanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo ee dalkiisa ku nool, haddii beesha caalamku ay sii waddo inay ku eedayso in dalkiisu uu masuul ka yahay colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.Madaxweynaha oo ka hadlayey xaflad lagu dhaarinayey afhayeenka aqalka Senate-ka ee Rwanda, ayaa wuxuu Kagame yidhi “ma sii wadi karno marti-gelinta qaxootiga, iyada oo hadhowna nalaku eedaynayo inaanu xadgudubyada loo geysanayo qaxootiga, taasoo ka dhalatay isir sifayn ka dhacday dal kale – iyada oo aanu noqonay meel lagu soo daadiyo dadka xuquuqdooda la duudsinayo.” ayuu yidhi.Madaxweyna Kagame oo markii hore ku hadlayey luuqadda dalkiisa ayaa u wareegay luuqadda Ingiriisida inuu ku hadlo, taasoo uu isticmaalo marka uu rabo inuu fariin u diro beesha caalamka.Kagame ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen in la cambaareeyo, ka dib markii ay sameeyeen falal ay ahayd inay sameeyaan.Dawladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Rwanda inay taageerayso jabhadda M23 taasoo ah jabhad mucaarad ku ah dawladda Congo, kana dagaalanta bariga dalkaas, hase ahaatee dawladda Rwanda ayaa iyadu diiday eedda loosoo jeedinayo. Madaxweynaha Rwanda oo ku hanjabay inuu saarayo qaxootiga u dhashay Congo was last modified: January 10th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dugsiyo ku yaalla Maraykanka oo dacwad ku soo oogay shirkadaha iska leh baraha bulshada next post Muqdisho oo lagu soo gebagebeeyey Shirweyne lagu lafaguray dhibaatada maandooriyuhu ku hayo bulshada You may also like Dhageyso: Barnaamijka Dhalanyarada Idaacada Warsan 19/06/2023 Dhageyso: Barnaamijka Waxbarashada Idaacada Warsan 01/07/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 06/10/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 23/04/2019 Madaxweynaha Dalka Masar oo 8 sano kadib booqasho ku tagaya dalka Qatar iyo ujeedada safarkiisa oo la ogaaday 13/09/2022 Akhriso:- Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Horumarinta beeraha kala saxiixday. 04/03/2018 Dhageyso:-ku celiska Barnaamijka wax soo saarka oo looga hadlaayo cimilada isbadasha. 19/10/2021 Dhageyso:-Warka Subax ee RAdio Warsan 14/11/2021 Afti Tirada Baarlamaanka Talyaaniga Lagu Yareyn Doono Oo Ka Qabsoontay Dalkaas 22/09/2020 SAWIRO:- Shirka Golaha Fulinta Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa ka furamay magaalada Muqdisho 07/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.