Imran Khan oo ka digay ‘dagaal ka dhex qaraxa’ Pakistan iyo Taalibaan written by Warsan Radio 11/01/2023 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Talaadadii u ololeeyay xiriir iskaashi oo laba geesood ah oo lala yeesho taliska Taliban ee Afghanistan, isaga oo ka digay xiisadaha labada dhinac ee la dagaallanka argagixisada inay Pakistan ku noqon karaan “dagaal musiibo ah oo daba dheeraada.”Khan ayaa ka hadlay dood-cilmiyeed ka dhacday caasimadda Islamabad, iyadoo mowjado cusub oo argagixisannimo ay kusoo wajahan yihiin Pakistan, gaar ahaan degmooyinka waqooyi-galbeed ee ku dhow xudduudka Afghanistan, halkaas oo ay ku dileen boqollaal ka tirsan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah.Inta badan rabshadaha waxaa lagu eedeeyaa ama sheegta xagjiriinta xiriir la leh kooxda falaagada ah ee Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Talibanka Pakistan.Maleeshiyadan oo ay ku jiraan hoggaanka TTP ayaa gabbaad ka dhigtey dalka Afghanistan kadib markii ay kasoo carareen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee Pakistan, waxaana ay halkaasi ka fuliyeen weerarro argagixiso.Khan ayaa ku eedeeyay xukuumadda isaga bedeshay ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, inay soo saartay “hadal khatar ah oo mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah mas’uuliyiinta Taliban ee Afghanistan” taasoo keentay culeys xagga xiriirka laba geesoodka ah, halkii ay ka raadin lahaayeen iskaashi si loola dagaallamo khatarta argagixisada ee TTP.“Haddii dowladda Afghanistan ay joojiso wadashaqeynta ay nala leedahay ama aad kharribto xiriirka kaala dhexeeya, markaas dagaalkan lagula jiro argagixisada ee Pakistan wuxuu noqonayaa mid aan dhammaad lahayn oo wuxuu noo noqonayaa masiibo weyn,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan. Imran Khan oo ka digay ‘dagaal ka dhex qaraxa’ Pakistan iyo Taalibaan was last modified: January 11th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Hub ka-dhigista TPLF oo bilaabatay next post Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh & Senator Fartaag? You may also like Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka 06/12/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/08/2020 Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay baaqa Ra’iisul Wasaare Kheyre ee qabashada doorashada dalka 09/07/2020 Weerar lagu diley 35 qof oo Shacab ah 25/12/2019 Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Madaxweynaha Somaliland 09/05/2023 Wasiirka cadaaladda Soomaaliya oo Raali galiyay Golaha Shacabka 07/08/2023 DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE IDAACADA WARSAN 03/01/2023 Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inaan Saddex sano ka dib wax jawaab ah laga bixin Qaraxii Soobe 15/10/2020 Turkiga oo balan qaad Cusub u sameeyay dowladda Soomaaliya 30/05/2022 Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Buuhoodle 30/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.