Hub ka-dhigista TPLF oo bilaabatay written by Warsan Radio 11/01/2023 Ciidamada Tigreega oo dagaal socday muddo labo sano ah kula jiray dowladda federaalka Itoobiya, ayaa Talaadadii bilaabay in ay hubka culus ku wareejiyaan ciidamada qaranka, taasoo qayb ka ah geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika.Burburinta ciidamada Tigrayga ayaa loo arkaa inay udub dhexaad u tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee November 2-deedi, oo ay barbar socdeen soo celinta adeegyadii dowliga ahaa iyo kuwa gaar ahaaba, dib u soo celinta gargaarka bini’aadantinimo iyo ka bixitaanka ciidamada Eritrea, kuwaas oo ka barbar dagaallamay ciidamada Ethiopia, balse aan qayb ka ahayn xabbad joojinta.Colaadda ayaa boqollaal kun oo dadwaynaha Tigrayga ah ku abuurtay xaalad macaluul oo kale ah, waxaana ku dhintay kumannaan waqooyiga Itoobiya.Xil-wareejinta hubka oo ka dhacday magaalada Agulae oo qiyaastii 30 km (18 miles) waqooyi bari kaga beegan magaalada Mekelle ee xarunta gobolkaasi, ayaa waxaa kormeeray koox kormeereyaal ahka kooban xubnaha labada dhinac iyo urur goboleedka IGAD.Xafladda wareejinta hubka ayaa waxaa ka hadlay wakiilka ciidamada difaaca Tigrayga (TDF) Mulugeta Gebrechristos waxaana uu sheegay in bilowga hub ka dhigista ay kaalin weyn ka qaadan doonto soo celinta nabadda.Askarta Eritrea ayaa dabayaaqadii bishii hore isaga baxay dhowr magaalo oo waaweyn oo Tigray ah, balse kama aysan bixin dhulka Tigrayga, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Eritrea ayaa diidday inay ka hadasho in ciidamadeeda ay baxayaan iyo in kale. Hub ka-dhigista TPLF oo bilaabatay was last modified: January 11th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. next post Imran Khan oo ka digay ‘dagaal ka dhex qaraxa’ Pakistan iyo Taalibaan You may also like DFS oo wada qorshe ay ku keeneyso ciidamo cusub oo bedelaya kuwa ATMIS 17/02/2024 Xamse oo ku baaqay in la caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen 09/07/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 23/07/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 25/01/2022 Eedaysane la sheegay in degmada Guriceel uu ku dilay Ganacsade oo gacanta lagu dhigay 14/11/2023 Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qaraxyadii Beledweyne Amarna siiyay Xukuumadda 03/10/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 16/10/2023 Golaha Wasiirada Jubbaland oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka soo socda 22/10/2021 Dhageyso:-Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 20/04/2020 Dhageyso; Barnaamijka Arimaha Caalamka 22/01/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.