Weerar dad lagu dhaawacay oo ka dhacay dalka Faransiiska written by Warsan Radio 11/01/2023 Ugu yaraan 6 qof ayaa lagu dhaawacay Weerar Tooreey (A stabbing attack) oo Oogtii hore ee saakayto ka dhacay Saldhig Tareenada laga raaco ee The Gare du Nord Station oo ku yaalla Bartamaha Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.Qoraal uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Gerald Darmani soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Eedeysanihii weerarka geystay ay Boliska degdeg u dileen.Wasiirka waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Boliska sida Geesinimada leh ee ay uga fal-celiyeen Falkaasi.Sida laga soo xigtay Telefishinka BFTV, 6 qof ayuu dhaawacay Fudud ka soo gaaray weerarkaasi, kuwaasi oo daryeel Caafimaad loo fidiyey.Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin Haybta iyo magaca Ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu Luqada Carabiga ku hadlayey.Dhanka kale, Sarkaal u hadlay Shirkadda Tareenada Faransiiska ayaa sheegay inuu weerarkaasi horjeeday Jahwareer ku yimid Jadwalkii Shaqada ee Tareenada ee saakayto.Saldhiga Tareenada ee maanta uu ka dhacay Weerarka Tooreyda waxa uu ka mid yahay kuwa ugu Mashquulka badan ee ka shaqeeya gudaha dalalka Europe.Saldhig Tareenada laga raaco ee The Gare du Nord Station waa Marinka ugu weyn (A major link) ee isku xira magaallooyinka Paris, London iyo Waqooyiga Qaarada Europe. Weerar dad lagu dhaawacay oo ka dhacay dalka Faransiiska was last modified: January 11th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh & Senator Fartaag? next post Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo cabasho ka ah Ciidamada hubeysan You may also like DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 10/04/2017 Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Garoowe 14/06/2022 Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Ka Tirsan Hirshabeelle (Sawirro) 12/08/2020 Daawo Sawiro Xafladii Soo Dhaweynta Farmaajo ee Soomalida ku dhaqan magaalada Phoenix arizona dalka USA, 13/02/2017 Ciidanka Dowladda oo Kaabiga ku haya Ceelbuur iyo Galmudud oo war soo saartay 23/08/2023 Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sheegay in ay dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab 21/06/2020 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/01/2020 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 01/06/2017 Dhageyso+Akhriso:-Ururka Horomarinta Haweenka Waamo oo Waxbarasho lacag la,aan ah siiyey Haweenka Danyarta ah ee ku dhaqan Baardheere. 04/03/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 09/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.