Dagaal ka socda degaano hoostaga Magaalada Beledweyne written by Warsan Radio 13/01/2023 Wararka naga soo gaaraya degaano hoostaga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo Xubno katirsan Ururka Al-ShabaabDagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ay weerar ku qaadeen degaannada Tabantaab iyo Maxamed Xasan oo Beledweyne hoostaga isla markaana dhaca Koonfurta Beledweyne.Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay inay ka warheleen in Xubno katirsan Al-Shabaab oo kasoo gudbay dhinaca Wabiga ay degaannadas isku aruursanayaan si ay weeraro u fuliyaan balse ay iyagu weerareen.Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Diini Maxamed oo kamid ah mas’uuliyiinta hoggaaminayo howlgallada ayaa sheegay inay khasaaro xoogan weerarka ku gaarsiiyeen A-Shabaab, sidoo kalena degaannada lagu dagaalamay ay soo gaari doonaan Ciidamo kale oo gurmad ah.Wararka laga helayo degaannada Tabantaab iyo Maxamed Xasan ee Koonfurta magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu weli socdo. Isla markaana dhinacyada ay helyaan gurmadyo kala duwan oo u imaanaya. Dagaal ka socda degaano hoostaga Magaalada Beledweyne was last modified: January 13th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Gudoomiyaha golaha shacbaka iyo Madaxweynaha Koofur galbeed oo kulan la yeeshay Xildhibaanada ka soo jeeda KG 21/09/2020 Dhageyso:- Wereegii Labad Habeenkii 12 Baad oo ay Tartamaan Xaafadaha Baydhabo Caawa waxaa Nasiib Uyeeshay iney Ka qeeb Qaataan Xaafadaha kala ah Horsed {A} Wadajir {B} Caawa waxaa 28-5-2018 28/05/2018 Macron oo dib u hagaajinaya xiriirkii Faransiiska iyo Rwanda (SAWIRRO) 28/05/2021 VIDEO Wafdi Ka socda Hay ,ada UNDB ayaa Soo Gaareen Maglada Baydhabo 21/03/2017 Akhriso:-Dagal iyo duqeyn ka dhacday G/Shabeellaha Hoose 12/03/2019 Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay 66 maxbuus bisha Ramadaan awgeed 19/04/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 18/09/2020 Ilhan Cumar oo ku eedeysay Trump in uu ka danbeeyay weerarkii xarunta Capitol Hill 13/01/2021 Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Marwo Martha Ama Akyaa Pobee? 08/11/2021 Dhageyso:-Fariinta Talaalka Cudurka Dabeesha 25/10/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.