Al-Shabaab oo weerar dhimasho leh ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Dhexe. written by Warsan Radio 17/01/2023 Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar khasaare nafeed dhaliyey ku qaaday saldhig ay militariga dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ilaa 75km waqooyi ka xiga Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal xooggan.Weerarkan ayaa al-Shabaab ay u adeegsadeen qaraxyo iyo maleshiyaad weerar ah, waxaana iska caabiyey militariga, sida uu sheegay Taliyaha militariga Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda.Militariga Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa warar is-khilaafsan kasoo saaray khasaaraha dagaalkii halkaas ka dhacay.Taliyaha militariga Jeneraal Odowaa ayaa xaqiijiyey dhimashada shan askari. Dadka dhintay waxaa ka mid ah sarkaal sare oo lagu magacaabay Col. Abshir Shataqey. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku dileen 21 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaraya illaa 63. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashadooda.Weerarkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab horey looga saaray inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan maamul goboleedka HirShabeelle, hase yeeshee waxay weli sii waddaa inay weeraro ka fuliso gobolka. Al-Shabaab oo weerar dhimasho leh ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Dhexe. was last modified: January 17th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Ciidamada dowladda oo qabsaday Ceeldheer You may also like Xukuumadda oo weli Dhuusamareeb ka wada Abaabul dagaal ka dhan ah AS 11/08/2023 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 26/09/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/09/2019 Rooble”Aamina waxaa dilay kuwii horay u dilay Ikraan Tahliil” 31/03/2022 Sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kulan shir guddoomiyay 10/08/2020 Bulshada Rayidka oo walaac ka muujisay khilaafka madaxda dalka 09/04/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 03/02/2019 Wafdi Ka Socday Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Magaalada Baladweyne 21/08/2022 DHAGEEYSO+SAWIRO;-TALIYAHII HORE IYO Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska oo maanta xilka la wareegay 10/04/2017 Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Yeeshay Ergeyga Gaarka Shiinaha Ee Geeska Afrika 17/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.