Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa uu degaano katirsan gobolka Jubbada Hoose ka bilaabay abaabulka howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo dhawaan laga fulinayo dhammaan degaannada Maamulkaas.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa dagmada Afmadoow ka billaabay qorshaha labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay ka wadaan Jubada Hoose, waxaanay sheegeen in Dagmada Afmadoow ay noqoneyso xarunta abaabulka howlgallada Jubbooyinka.
Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubaland Sareeye Gaas Saxardiid ayaa waxaa ay siwadajir ah u sheegeen inay ka go’an tahay in dhawaan howlgal xoogana ay wada qaadaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Waxaa ay sheegeen in ujeedkoda ugu weyn uu yahay sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen guud ahaan degaannada dowlad Goboleedka Jubbaland, isla markaana hadda ay kujiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee howlgallada.
Degaanno badan oo katirsan gobolada Jubbaland ayaa waxaa hadda gacanta ku haaya Al-Shabaab, balse dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ay wadaan sidii howlgallo looga saarayo ay u bilaai lahaayeen.