Howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in diyaar garowga dhimista 2000 oo askari marka la gaaro 30ka Juun 2023 uu marayo heer horudhac ah.
Tallaabadan ayaa waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670 kaasoo faraya in ATMIS laga dhimo 2000 oo askari dhammaadka bisha June ee sanadkan, laguna wareejiyo ammaanka goobihii lagu heshiiyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine, ayaa sheegay in guddi farsamo oo wadajir ah oo ay xubno ka yihiin daneeyayaasha ay ku jiraan Dowladda Federalka Soomaliya iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo ATMIS ay isla garteen kuna heshiiyeen, Xeryaha Furiimaha Hore ee ATMIS oo lagu wareejin doono Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ama gebi ahaanba la xiri doono.
Madaxa ATMIS oo booqasho rasmi ah ku tagay xarunta ATMIS ee qeybta 5-aad ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in iyadoo ATMIS ay dhimeyso tirada askarta ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya, ay hadana Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya kordhin doonaan tiradooda si ay ula wareegaan goobaha ay ATMIS ku wareejineyso.
Ku-simaha Abaanduulaha Ciidamada ATMIS, Sareeye Guud Marius Ngendabanka, oo booqashada shaqo ee magaalada Jowhar ku wehlinayay Madaxa ATMIS Danjire El-Amine, ayaa sheegay in awaamiirta hawlgalka la soo saaray, isla markaana Guddiga Farsamada ee isku dhafka ay u qorshaysatahay in ay kasoo baxaan hawshan ilaa waqtiga kama dambaysta ah ee 30ka Juun.
Ku-simahu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhimista 2000 oo askari ee ATMIS aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin ammaanka xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo xarumaha waaweyn ee dadweynaha haddii ay ciidamada Soomaliya la wareegaan.
ATMIS waxay sii wadi doonta hawlgallada qorsheysan ee wadajirka ah iyo kuwa joogtada ah ee lagu wiiqayo awooda Al-Shabaab ee Muqdisho iyo gobolladuba, ATMIS waxay sugtaa ammaanka xarumaha dadweynaha, marinnada muhiimka ah ee saadka, xarumaha muhiimka ah ee dowladda sida Baarlamaanka, Madaxtooyada, dekedaha, garoomada diyaaradaha, iyo garoomada hawlgallada ciidamada.
ATMIS waxa kale oo ay sugtaa amniga hawl-wadeenada Bani’aadamnimada marka ay ku hawlanyihiin in ay bulshada degaannada iyo tuulooyinka gaarsiiyaan deeqaha cuntada iyo agabyada kale ee hawlaha gargaarka degdeg ah.