Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya saxiibada Caalamiga ah ayaa Maanta howlgal qorsheysan ku qaaday deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Degaannada howlgalka lagu qaaday oo hoostaga degmada Afgooye ayaa Saraakiisha Ciidamadu sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa inay halkaasi isku aruursanayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo howlgalka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka iyo saxiibada Caalamiga ah oo ka warhelay in Al-Shabaab ay isku aruursanayeen deegaanka Baladul Amiin ay weerar xoogan ku qaadeen.
Wuxuu sheegay in howlgalka ay Ciidamada dowladda kudileen 20katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena weli uu socdo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si guud ahaan gobolka Shabeellaha hoose.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac wuxuu sheegay in dhawaan uu billaaban doono wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna qeyb ka noqon doonaan Ciidamada dalalka Safka hore si guud ahaan looga saaro dalka.
https://googleads.g.doubleclick.net/pagead/ads?client=ca-pub-8756589205009556&output=html&h=280&adk=3745922323&adf=3377324906&pi=t.aa~a.3916988872~i.28~rp.4&w=696&fwrn=4&fwrnh=100&lmt=1686152629&num_ads=1&rafmt=1&armr=3&sem=mc&pwprc=4037754401&ad_type=text_image&format=696×280&url=https%3A%2F%2Fradiorisaala.com%2Fdowladda-soomaaliya-oo-sheegtay-in-howlgal-lagu-dilay-20-katirsan-al-shabaab%2F&fwr=0&pra=3&rh=174&rw=696&rpe=1&resp_fmts=3&wgl=1&fa=27&adsid=ChAI8NWApAYQj7C8kbi0kY8MEj0ALBXuFv8ADR_Jbz_J4nD4cP3a7Xw1Z9p1pqq1T9lYxc6B-h_Ezar5YvdYydVApBEwEGcQCA7b9I6NDv9P&uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTE0LjAuNTczNS4xMTAiLFtdLDAsbnVsbCwiNjQiLFtbIk5vdC5BL0JyYW5kIiwiOC4wLjAuMCJdLFsiQ2hyb21pdW0iLCIxMTQuMC41NzM1LjExMCJdLFsiR29vZ2xlIENocm9tZSIsIjExNC4wLjU3MzUuMTEwIl1dLDBd&dt=1686152367634&bpp=1&bdt=13621&idt=1&shv=r20230601&mjsv=m202305310101&ptt=9&saldr=aa&abxe=1&cookie=ID%3D7566ab01e894c451-22ebb91bc5dd0051%3AT%3D1683625234%3ART%3D1686152346%3AS%3DALNI_MZc_HdWHSaIA2J8qtXfm3U7FT3CHA&gpic=UID%3D00000bf8a05228dd%3AT%3D1683625234%3ART%3D1686152346%3AS%3DALNI_MY8zG-cMSoY8-z9ACksM5sksl6DsA&prev_fmts=300×250%2C300x600%2C0x0%2C1903x937%2C970x90%2C696x280&nras=4&correlator=4956046660801&frm=20&pv=1&ga_vid=1868816802.1683625195&ga_sid=1686152355&ga_hid=169849221&ga_fc=1&ga_cid=577384012.1686079444&u_tz=180&u_his=1&u_h=1080&u_w=1920&u_ah=1040&u_aw=1920&u_cd=24&u_sd=1&dmc=4&adx=418&ady=2068&biw=1903&bih=937&scr_x=0&scr_y=0&eid=44759837%2C44759927%2C44759876%2C31075048%2C44788441&oid=2&pvsid=3230768045989758&tmod=785424938&uas=0&nvt=1&ref=https%3A%2F%2Fradiorisaala.com%2F&fc=384&brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1920%2C0%2C0%2C0%2C1920%2C937&vis=1&rsz=%7C%7Cs%7C&abl=NS&fu=128&bc=31&jar=2023-06-06-06&ifi=5&uci=a!5&btvi=2&fsb=1&xpc=0MC89rZHUC&p=https%3A//radiorisaala.com&dtd=M
Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay ku cel celineysay in la billaabi doono wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, balse weli aan lagu guuleysan, iyada oo ay kordheen weerarada Al-Shabaab ay ku qaadayaan saldhigyada Ciidamada.